Gaalkacyo: Maalinta caruurta aduunka oo maanta Gaalkacyo laga xusay (Sawirro)

Magaaladda Gaalkacyo waxaa maanta laga xusay maalinta xuquuqda caruurta, waxaana ka qayb galay tiro ardayda Iskuulada, maamulak Iskuulada Dagmada Jariiban iyo Gaalkacyo, Macalimiin iyo Waalidiin.

Maalintaan ayaa si gaar ah waxaa diira loogu saarayey ilaalinta xuquuqda ilamaha lagu leeyahaay, iyada oo waalidiinta iyo Macalimiinta lagu tir tirsiinayey in ay ilamaha si hufan u baraan xuquuqda lagu leeyahay, sidoo kalana ay ilaaliyaan xuquuqda caruunta.

Osman Nuur Maxamed oo ka socday hay’adda World Vision, ayaa walidiinta iyo macalimiinta ka codsaday in ilmaha loo ilaaliyo xuquuqda ay leeyihiin, laguna taba baro sidii ay u ilaalin lahaayeen xuquuqda isaga lagu leeyahay, sidoo kale waxaa uu ka codsaday macalimiinta iyo waalidiinta in ay Imaha ku tababaraan ilaalin nadaafadda iyo Faya dhawrka guud.

Jaamac C/lahi oo ah maamulaha Iskuulka hoose Dhexe sare ee Dagmada Jariiban, ayaa isaguna si faah faahsan uga war bixiyey xeerar hoose oo ay ku dhaqmaan xiliga la tacaamulka ardayda, waxaana uu xusay in ay ilaaliyaan Hanka ilmaha, sidoo kalana ay jiraan Tiro caruur ah oo iskuulka ku dhigta lacag la’aan, taas oo ujeedka ay ka lahaayeen uu yahay, in ay ilaaliyaan xuquuqda wax barasho ee ilmaha aan lacagta awoodin iyo kuwa laga tirada badan yahay.

Ugu danbanytii waxaa kulanka soo gunaanuday Deeqa Warsame Cabdi, oo ah Isu duwaha wasaaradda Haweenka iyo Arimaha qoyska, ayaa u mahadcelisay kasoo qayb galayaashii, iyada oo sheegtay in kulankaani qayb ka yahay kulamo wacyi galin ah, kaas oo ay wasaaradda haweenku la kaashan doonto Hay’addaha caalamigaa iyo dadweynaha iyo hooyooyinka, waxaa kale oo ay intaas ku dartay in ay qorshaynayaan, in wada gaaraan dhamaan Gobolka Mudug, si loo ilaaliyo xuquuqda Haweenka iyo dhalaanka.

Xuska maalinta Caruurta aduunka, waxaa iska kaashaday wasaaradda Haweenka iyo Hay’adda World Vision, waxaana kulanka kasoo qayb galay caruur yar yar, oo ay wajiyadooda ka muuqatay farxad, iyada oo ay qaarkood soo dhaweeyeen.

Daawo sawirro

img_2101

img_2099 img_2353 img_2340 img_2334 img_2329 img_2312 img_2300 img_2283 img_2268 img_2260 img_2255 img_2241 img_2239 img_2151 img_2133 img_2127 img_2121 img_2120 img_2106 img_2103 img_2101

About The Author