Mid Kamid ah Xildhibaanadii Dhowaan Ladoortay Oo Garoowe Ku Geeriyoodey.

November 21 2016 (Puntlandes)-Magaalada Garoowe ee caasimadda dowladda Puntland waxaa xalay ku geeriyoodey mid kamid ah xildhibaanadii dhowaan kusoo baxay xubnaha aqalka hoose ee Puntland.

Xildhibaankaan oo mudo kasoo mid ahaa barlamaanka Soomaaliya kana tirsanaa gudiga u qaabilsan arrimaha Jaamacadda Carabta ayaa lagu magacaabi jirey Daahir Xaaji.

Daahir Xaaji oo aan wali loo dhaarin xilkiisa xildhibaan-nimo ayaa in muddo ah ku soo jiray siyaasadda Somalia ,waxaana tan iyo 2009-kii uu ka soo mid ah barlamaanadii soo maray dalka.

About The Author