Maaraynta Dhaqaalaha iyo Xukuumada Xafladjoog

0

 

67

Qoraal uu qoray Ismail Adam Dirie uuna soo dhigay barta facebook, qoraalka ayaa laga fahmi karaa inkastoo ay xafladahan horey u dhici jireen laakiin Xukuumada Xafladjoog oo horey u balanqaaday isbedel inay la imaanayso, aan marnaba la is lahayn iskaba daa inay wax bedeshee xafladihii dhaqaala lumiska ayey waqtigan adag oo dhaqaalo xumi iyo maamul xumi ay la daala dhacayaan ayey xafladba xaflad u dhiibidoontaa. Isedelkii dadka reer Puntland lagu kiciyey ma saanaa mirihiisii noqday?

 

66

Ismaaciil waxuu qoraalkiisa u dhignaa sidatan

Somalia iyo qaybaheeda sida Somaliland, Puntlnad, iyo Koonfurta kaleba waxaa haatan xilal ka haya dhalinyaro aqoonyahano ah in badan waqti ku soo noolaa wadamada ku guulaystay dawladnimadooda ee kudayashada mudan, laakiin sida cad waxay u muuqdaan madaxdan ma gudbayaal aan cashar ka soo baran dawladnimo wanaaga.

Puntland xaaladeeda waxay maraysaa in laga waayey isbitaaladii dawooyinka dhiigjoojinta dumarka umulaya kharash la’aan awgeed. Maantana waxa la saaray gudi wasiiro ah oo abaabulaya xaflad tamashlayn ah oo kharash badan ku bixi doono loona dhigayo maalintii Puntland la unkay.

636460

Dabaaldegyadan majaajilada iska ah, ayaa laga dhaxlay taliskii ciidamada kaas oo mar ka talin jiray dalka Soomaaliya lana haysan jiray talisyo kale oo caalamka ka jiray kuwaas oo ahaa shuuci aakhirkiina fashil la burburay.

Dabcan gudigan wasiirada ee ka tirsan (Xukuumada Xafladjoog) ma hayno cid ka mid ah oo ka damqatay tamashlayntan baas tirina war waxan dalka ma qabtaan, laakiin laga yaabe inay jiraan kuwa aan nasiib u yeelan in gudiga qabanqaabada xaflada sanadguurada lagu daro oo caraysan.

Waxan oo kale kama dhacaan wadamada istaahila in looga daydo dawladnimada hadii ay ka dhacaana waxay noqon lahayd majaajila aad loogu qoslo ayna weriyaasha u faaleeyaan si jeesjees ah, Waxa la arkaa uun maalinkii ay leeyihiin munaasabad qaran, in qofka markaa u sareeya dawlada dalkaas uu TV ama Radio uga hambalyeeyo umadiisa hadii ay ugu badnaatana waa fasax maalinkaa amaba shaqada sideedaa loo wataa.

 

56

Waxaan aad ugu qosli jiray Somalida oo markay ka hadlayaan waxqabadka kacaanka dib usoo geliya Youtube aadna u soo qaata dabaaldegyadii Oktober oo ay hooyoohin sii wataan sawirka wayn oo Allah ha u naxariistee general Siyad Barre.

55 57 58 59

Waa iga suaale wadaniyada reer Puntland ma waxay ku kordhi doontaa in dadka la tuso waxqabad rasmiya isbitaaladii curyaamay gargaar degdeg ah lala gaaro, misse in jidadka magaalooyinka ay maraan ciidan gaari waayey Tukaraq oo Garoowe u muuqata kolay dhoolatuskan ciidan ee Puntland wax mecna ah u samayn mayso Somaliland (hadaysan ku qoslinba) ee mlaha ciidankan waxay u cagajuglaynayaan waa islaamaha agoonta haysta ee daryeelka waayey yaanyadana ku iibiya suuqyada Garoowe si ay u helaan islaamahaas fariin oranaysa edeb yeesha hadii kale arka waxa idinku dhici kara!
50
WQ Ismail Adam Dirie.
Xigasho:- https://www.facebook.com/ismail.dirie.3
Editorail Office
Info@puntlandes.com
Puntlandes

About The Author

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *