Akhriso Qoraal kasoo Baxay Beesha Caalamka oo aan ku Qanacsanayn Shaqada IEDRM kuna wareejiyey NLF

9 dec 2016 (Puntlandes) Warbaahinta Puntlandes ayaa waxaa soo gaaray Qoraal kasoo Baxay Ergayga Xoghayaha Guud ee Qaramada idoobey ee Soomaaliya Amb. Micheal Keating oo waakil u ah Beesha Caalamka ayaa waxaa lagu muujiyey sida aysan ugu Qanacsanayn Shaqada Guddiga Xalinta Khilaafaaadka (IEDRM), iyagoo shaqadiisiii ku wareejiyey Madasha Hogaamiyayaasha Qaranka (NLF).

beesha_caalamka_taageero_shirka_cadaado_hol

Qoraalka ayaa waxay Beesha Caalamku ku tiri “Waxaan ka walwalsan tahay in IEDRM aysan u gudan karin si buuxda oo wakhtigeedii ah iyo hufnaan Mas’uuliyaddii loo igmaday. Sidaas awgeed waxaan ka codsanaynaa NLF taageero degdeg ah oo la xiriirta in IEDRM ay gaaraan go’aano cad cad oo ku saabsan dhammaan cabashooyinka soo gaaray, sida xadgudubka Hanaanka Doorashada iyo Gacmo gacmaynta, gaar ahaan kiisaska ugu culus”

Qoraalka ayey Beesha Caalamku kusii tiri “waxaan jeclaan lahayn in aan ka codsano in NLF ugu yeero IEDRM in ay usoo gudbiyaan warbixin hordhac ah oo ku saabsan dhammaan cabashooyinka soo gaaray, oo ay ku jiraan nooca cabashooyinka, si ay NLF uga doodo kulanka 13 December. Waxaan kale oo jeclaan lahayn in warbixinta lala wadaago Beesha Caalamka ka hor kulanka NLF”

Akhriso Qoraalka Beesha Caalamka oo ku qoran afka Ingiriiska

233-1a6

Puntlandes.com

About The Author