XOG: Faarax C/qaadir oo Jeebka Furay & Musharax Siciid Ciid oo culays lagu saarayo inuu tanaasulo

11 Jan 2017 (Puntlandes) Warbaahinta Puntlandes oo isku hawshay inay akhristayaasheeda usoo gudbiso wararka la xiriira Doorashada dalka ka socota ayaa waxay ogaatay in Muqdisho uu caawa ka socdo loolan aad u adag oo la xiriira Gudoomiye ku xigeenlka 1aad.

233-6b7

Sawirka kore Midig Gen Gabre Bidix Xildhibaan Faarax C/qaadir oo Ethiopia wadato.

Warbaahinta Puntlandes ayaa ogaatay in Faarax C/qaadir uu furay Jeebkiisa isagoo bixinaya lacag xad dhaaf ah, si uu u hanto Codka Xildhibaanada ee Doorashada dhici doonta berry haddii Allah idmo.

Faarax ayaa waxa uu caawa ka wadaa magaalada Muqdisho olole aad u xoog badan isagoo lacag farabadan isticmaalaya.

siciid-ciid

Xidhibaan Siciid Ciid

Dhanka kale Musharax Saciid Xuseen Ciid oo u taagnaa musharaxnimada Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Baarlamaanka ayaa waxaa meelo badan oo kla duwan laga saaray sida ay ogaatay Warbaahinta Puntlandes inuu ka tanaaaulo Musharaxnimadiisa.

233-6e6

Xidibaan Muudeey

Musharixiinta caawa olalaha xoogan ka wada Muqdisho oo ay berry kadhacayso Doorashadu waxaa ka mid ah Cabdiweli Shiikh Ibraahim Muudey oo loolan adag ugu jira sidii uu u hanan lahaa Kursiga Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Baarlamaanka JFS.

Puntlandes.com

About The Author