Horyaalka Kubbadda Cagta Puntland oo Kulamo Xiisa badan la ciyaaray (Sawirro+Warbixin)

Horyaalka kubadda cagta Puntland oo ay ka qayb galayaan 9kooxood ayaa haatan maraya meel wanaagsan, isaga oo la ciyaarayo kulamadii labaad ee Lugta Koowaad.

Magaaladda Gaalkacyo waxaa isku arkay labada Kooxood ee FC. Somtela iyo Comsed FC. waxaana ay isla mari waayeen 2-2, tan oo ka dhigaysa in ay haatan leeyihiin kiiba Haldhibic iyo laba kulan.

Magaalo Madaxda Puntland waxaa ku kulmayey labada kooxood ee SBC iyo Garoowe City, waxaana ay isla mari waayaan 1-1, taas oo hogaanka u dhiibaysa kooxda SBC, oo yeelan doonta 4 dhibcood, halka Garoowe City ay yeelan doonto 1 dhibic.

Magalada dhaqanka Puntland ee Qardho, waxaa ka dhacday ciyaar aad u xiiso badnayd, waxaana isku helay Kooxaha Bosaso Fc iyo Qardho City, waxaana guul muhiim ah ka gaartay Kooxda Qardho oo kulankii Hore laga soo badiye, waxaana y ku adkaatay 1-0, taas oo ka dhigaysa in

Kulamadii Furitaanka ayaa horay kooxaha oo dhani ugu soo ciyaareen Magaalo Madaxda Dowladda Puntland ee Garoowe, halka kooxuhu kulamadooda kale ay ku ciyaari doonaan Garoomadooda, mid marti ah iyo Mid Marti looyahay.

Maalinka Axadda ayaa la filayaa in ay dhacaan kulamo aad u xiiso badan, kuwaas oo lagu xaqiijin doono cidda hogaanka qaban doonta, maadaama ay jiraan kooxo badan oo 3dhibcood leh, oo aan wali ciyaarin, kuwaas oo fursad u haysta in ay hogaanka qabtaan haddii ay badiyaan.

Daawo Sawirro.

IMG_4661 IMG_4669 IMG_4673 IMG_4680 IMG_4681 IMG_4709 IMG_4729 IMG_4738 IMG_4866 IMG_4882 IMG_4949 IMG_4972 IMG_4993

 

About The Author