DEG DEG-Sawiro: Faroole oo u Tanaasulay Heshiisna la galay Musharax Sheekh Shariif sidii Puntlandes.com ay horay u qortay

14 jan 2017 (Puntlandes) Warbaahinta Puntlandes oo aad uga barateen inay idiin soo gudbiso warar iyo Xoggo xaqiiq ah ayna ummaada Soomaaliyeed u baahan tahay inay ogaato ayaa waxay 11kii jan 2017 daabacday maqaal ku saabsan in madaxweynihii hore ee Puntland ahna Xildhibaan ka tirsan Aqalka Sare ee Barlaamnka JFS isla markaasna ahaa Musharax u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya Cabdiraxmaan Sheikh Maxamed (Faroole) ay ku kulmi doonaan magaalada Kampala ee caasimada dalka Ugandha Madaxweynihii horre ee DKGS Soomaaliya Musharax Shiekh Shariif Sheikh Axmed.

Isla markaasna uu Musharax Faroole u Tanaasuli doono Heshiisna la gali doono Musharax Sheekh Shariif, halkan ka akhriso Maqaalka, hadaba sidii ay Puntlandes.com qortay  waxaa goor dhawayd la shaaciyey Heshiiska Faroole iyo Musharax Shiekh Shariif inkastoo aan la shaacin waxa rasmiga ah ee ay ku heshiiyeen.

Warbaahinta Puntlandes waxay horay u ogaatay hadana loo xaqiiyey in Faroole u tanaasulay una Ololayn doono Musharax Shiekh Shariif sidii uu xilka madaxweynaha Soomaaliya ugu guulaysan lahaa taasoo uu kula heshiiyey:

  1. Inuu haddii uu ku guulaysto Doorashada Shiikh Shariif uu Wiilka Faroole Maxamed C/raxmaan Faroole u magacaabo Wasiir
  2. Inuu haddii uu ku guulaysto Doorashada Shiikh Shariif uu Faroole u magacaabo Safiir.

Wiilka Faroole: Maxamed C/raxmaan Faroole

233-6e4

Faroole ayaa Musharaxnimadiisu waxay ku salaysnayd oo kaliya inuu Wiilkiisa Maxamed C/raxmaan Faroole uu u helo Wasiir dawlada soo socota isagana Safiir Soomaaliya u fadhya dalalka dibadda maadaama uusan ku noolaan Karin magaalada Muqdisho oo uu ka baqayo inuu ku noolaado.

Faroole iyo Wiilkiisa ayaa waxay horay Heshiis caynakan oo kale ah ula galeen madaxweynaha iminka ee waqtigiisu dhamaaday Xasan Sheekh, iyadoo uu Wiilka Faroole Maxamed C/raxmaan Faroole kasoo qaaday Xasan sheekh lacag dhan 300000 doolar oo lagu sheegay in Faroole uu Xildhibaano taageersan Xasan Sheekh uga soo saari doono Garowe markii ay socotay Doorashada Xildhibaanda.

Faroole iyo Wiilkiisa iminka waxaa u muuqatay inay aad u yaraatay rajada uu madaxweyne mar kale Soomaaliya uga noqon karo Xasan Sheekh waana taas sababta ay iminka ugu carareen Sheekh Shariif iyagoo danta kaliya ee ay leeyihiin ay tahay inay helaan Wasiir Wiilka loo magacaabo iyo Safiir Odayga Muqdisho aan ku noolaan karin in loo magacaabo.

Waxaa xusid mudan in Heshiiska Faroole/wiilkiisa iyo Musharax Shiekh Shariif uu ku soo beegmayo xili uu Faroole dhawaan ka diiday inuu u Tanaasulo Musharax Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke kullan ay ku yeesheen magaalada Garowe ee caasimadda Puntland.

Akhriso Qoraal ay kasoo saareen Faroole/wiilkiisa iyo Musharax Shiekh Shariif iyo waliba RW Saacid iyo C/naasir

233-7b6

233-7c 233-7c1 233-7c2

Puntlandes.com

About The Author