Khaliif Ciise Mudan: Xaalada Puntland marayso‏!

Heshiis ayaa Puntland iyo DFS ku dhexmaray Garowe, waan soo dhoweynayaa waana ku tageerayaa in heshiis la gaaro, waxaase loo baahanyahay in la is weydiiyo:-

1. Arrimihii Puntland xariirka uGu jartay DFS maxaa lagaga heshiiyey
2. Maxaa laga yeelayaa heshiisyadii hore loo galay oo aan waxba laga hirgelin
3. Mar walba in heshiis la kala saxiixdo soo kama horayso in la is weydiiyo maxaa kuwii hore wax looga qaban waayey?
4. Hadii aan kuwi hore waxba laga qaban maxaa mid kale loo saxiixaya?

Puntland waxay maraysa marxalad adag waxaana loo baahanyahay in aanay fogaan in waxgaradka reer Puntland la isugu yimaado sidii loo badbaadin laha.

Dawladdu in ay balanqaadyadeedii wax ka hirgeliso, shacabkana talada lala wadaago oo siyaasadda dawladda la qeexo, si shacabka dareenkooda iyo qorshaha dawladda la isu waafajiyo

Amniga dalku waa muqadas waana xil saran qof kasta oo muwaadin reer Puntland ah, shacabka ayaana laga rabaa in ay qayb libaax ka aataan sugidda amniga

Mashaariicda ka socota dalka waan soo dhoweynayna, lakiin qaabka hada loo maamulaya ma aha qaab toosan, waxaa ila quman in danaysiga gaar ahaaneed laga saaro oo cid walba oo shaqadaas ka masuul ah loo dhaafo lagulana xisaabtamo

Barnaamijka xisbiyada waxaa dawladda looga fadhiya sidii loo hirgelin lahaa , waayo ilaa dawladdu iclaamiso wax xisbi ah oo laga furi kara dalka ma jiro, waa lagama maarmaan arrintaas in dawladdu tala ka bixiso

Dhaqaalaha dalka ka soo baxa waa ku filaan kara in lagu maamulu dawladda, waxaa se mooda in dhaqaalaha ururintiisa aanay ahayn mid waafaqsan qaababkii loo soo arurinjiray dhaqaalaha oo debac ka jiro

Dawladda waxaan kula talinayaa in ay xoog saarto ciidamada qalabka sida oo har iyo habeen u taagan difaaca dalka, sugidda amniga gudaha soo xaraynta iyo ilaalinta dhaqaalaha iyo kaabayaasha dhaqaalaha lana siiyo mushaharooyinkooda,

Cabashooyin badan ayaa laga sheegayaa marakiib jariifaysa xeebaha Puntland, kuwaas oo intooda badan aanay bixin wax lacag shati ah, kuwana la sheegay in markab weyn laga qaado $8000 oo lagu siiyo shati uu ku kaluumayst , taas oo aan waafaqsanayn sharciga u degan wasaaradda Kalluumaysiga, ayadoo intaas laga qaadi jiray saxiimadaha xeebaha ka jilaabta

Waxaan ku soo gabagabaynayaa, arrimahaas oo dhan taladooda dawladda iyo shacabka aya xil kasaaranyahay

Mar hadii heshiis lala galay dawladda Federaalka waxaa xusid mudan in arrimaha hoos ku qoran laga tashado:-

1. In la adkeeyo wada shaqaynta iyo ka tashiga aayaha Ummadda Soomaaliyeed
2. In lala wada socdo dhaqaalaha iyo hantida Soomaaliyeed ee dalalka dibadaha taal, lana sugo Jiritaankeeda iyo xafidaadeeda
3. Ummadi ma horumarto hadii hogaan toosan aaney heli,wixii khilafaad ahna aan hoos loo xallin
4. Wadanka khayraad badan ayu leeyahay, waa muhiim in laga shaqeeyo oo DFS ay xoog saarto sidii looga fa’iidaysanlaha
4. Dastuurka oo bedelaad badan lagu sameeyay in laga tashado melena la isla dhigo
5. Mucaawinooyinka dalka loogu deeqo waa la awooda in la wada gaarsiiyo, marka in la gaarsiiyo
6. Dhammaan heshiisyada la galay in la hirgeliyo
7. Issimada ,Aqoonyahanada, wax garadka , Culimada , Ururada Bulshada waxaan uGu baaqayaya in la dhawro jiritaanka Dawladda iyo xukuumadda Puntland

Khalif Ciise Mudan
Wasiirkii hore ee Amniga Puntland
Nairobi

Puntlandes.com

About The Author