Shahaada dugsiyada Puntland oo la aqoonsaday !!

Heshiiskii ay fartu ku godneyd ee ay gaareen dawlada Puntland iyo Dawladda Xamar ayaa waxaa ku jirey qodob ahaa, in marka shahaada dugsiyada Puntland qaab ahaan loo ekeysiiyo Tan dawladda federalka in ay federalku aqoonsadaan shahaadadaas.

49

Iyadoo uu midaas daba socdo ayuu Cali Xaaji Warsame sheegay inay muhiimadda wada hadalku uu salka ku hayey sidii Puntland u heli lahayd waxyaabaha ay tabanayso, wuxuna soo dhaweeyey in heshiiska uu ku jirey in Villa Somalia ay aqoonsato Shahaadada waxbarashada Puntland.

Isagoo aad moodid in ay kasoo fuqday iin ku tiiley ayuu ku nuux nuuxsaday in ay hawl adag kasoo mareen aqoonsiga shahaada Puntland, OO WAA CAJIIBE TEE U BAAHAN AQOONSI SHAHAADADA XAMAR IYO TAN PUNTLAND?

Hadaba waa maxay aqoonsi?

Aqoonsi waa xaqiijin dhab ahaanshaha (authenticity)  documenti markaas u baahday xoojin ay cidi aqoonsanayso taas oo loo cadaynayo cid kale. Si loo hubiyo sax ahaanta shay asalkiisa, in uu u soobaxay ama kusoo baxay wado sharci ah, waxaa la maraa qaabaka soo socda ama labuuxiyaa shuruudaha ku xiran qaababkaas. Waa in ay jirtaa hay,ad ama gudi wax laga codsanayo ama tasdiiqaysa shahaado sida ay soomalidu u taqaan (authentication committee or authority ).

Hab la marayo marka la codsanayo tasdiiqa waa in uu jiraa (Specific requirements must be met before the document(s) can be authenticated, but those requirements can vary, depending on the type of the documents)

Waa in uu jiraa form labuuxinayo marka lacodsanayo (application form). Waa in uu jiraa meel lagu hagaajinayo iyo wax ay ku gartaan hayada wax cadaynaysaa, ama calaamado sax ah oo lagu garto, sida tiinbare aan la foojariyeyn Karin, xaxiixa bixiyaha i w m.

Sida heshiiska lagaaray  ku qoran waxay aqoonsanaysaa dawlda Xamar,  marka la buuxiyo ama la helo  shuruud ah,  u ekaanshaha shaadada Xamar laga qaato.

Su,aasha is waydiinta mudan waxay tahay, ma wuxuu Cali Xaaji Warsame dadaalka dheer ee uu sheegay u galay, in shahaadada Puntland lugu xaqiijiyo u ekaanshaha midda  iyadu aan aqoonsiga iyo cadaynta midna u baahnayn ee laga bixiyo Foorjaraystayaasha (forgery) suuqa Bakaaraha?

Waxa kale oo uu Cali Xaaji Warsame ku sheegay waraysigiisii in uu ku faraxsan yahay in ay dawladda Xamar aqoonsatay imtixaanka guud ee laga qaado Puntland.

470247106 109 108

Horta wax ha aqoonsadeene Iyagu maleeyihiin imtixaan guud ama standard ay wax ku aqoonsadaan? Mase loo baahan yahay imtixaan Guud hadiiba ay aqoonsiga shahaadadu ku xirantahay u ekaanshaha tan Xamar laga qaato oo sida aan wada ognahay ku soo baxda sifo aan sharci ahayn, kana soo baxda meelo kala duwan, sida iskuulaad gaar loo leeyahay, kuwo layiri waxaan nahay majmac waxbarasho oo u shaqeeya sida goobaha ganacsiga iyo waliba tan ka wada fudud ee laga goosto suuqa Bakaaraha.

Waa su,aal aan waydiinayo dadka reer Puntland oo dhan. TEE U BAAHAN AQOONSI I TASDIIQ MA TAN PUNTLAND MISSE TAN FEDARAALKA?

195

W/Q: Maxamed Saliid Calisamey
Email: mxsaliid@gmail.com

Daabacaada:Puntlandes.com

About The Author