Maamulka Koonfur Galbeed oo hawada ku lalisay Telefishan cusub

11 April (Puntlandes) Markii ugu horeysay maanta ayuu hawada soo galay Telefishanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya “Southwest State Television” oo muddooyinkii dambe lagu howlanaa qoridda siyaasadda uu ku shaqeynayo iyo waxa uu kaga duwanaan karo Telefishannada kale ee Soomaalida.

234-8b3

Telefishankan oo howlgelintiisa ay kaalin muuqata ka qaateen rag khibraddooda warbaahineed ay sarreyso iyo saaxiibo ku caawiyay talooyin horumarineed ayaa waxaa howsha ugu weyn ee ka dhabbeynta iyo hirgelinta mashruuca Telefishanka yeeshay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan, Gudoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed Cabdulqaadir Shariif Sheekhuna Maye, Lataliyaha gaarka ah ee Warfaafinta ee Madaxweynaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Eng. Cabdulqaadir Maxamed Cali, Ibraahim Maxamed Xuseen “Jeekey” , Agaasimaha guud ee Telefishanka Koonfur Galbeed Soomaaliya Sheekh Ilyaas Cali Nuur iyo Eng. Maxamed Abaadir Abuukar (Carab).

Telefishanka ayaa noqon doona mid ku baxa wararka iyo barnaamijyadiisa inta badan Lahjadda  Maay oo ka qeyb ah Af Soomaali, kuna hadlaan inta badan dadka degan gobollada Koonfur galbeed ee dalka Soomaaliya, waxaanu noqon doonaa mid ku shaqeeya hab dowladeed iyo hab ganacsi intaba.

Telefishanka Koonfur Galbeed Soomaaliya “Southwest State Television” oo xaruntiisu weyn ay tahay Magaalada Beydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa ka soo galay Thaicom Satellite, Frequency 04113, Horizontal Symbol Rate: 13333, waxaana hawada uu ku jiri doona muddo 24 saacadood ah, iyada oo laga baahin doono barnaamijyo iyo warar sida ay sheegeen mas’uuliyiinta sare ee Telefishankaasi.

Puntlandes.com

About The Author