Madaxweynaha Dawladda Puntland oo u safray Magaalada Bahar Daar ee Dalka Ethiopia ugana qayb galaya shirka Tana Forum

20 April (Puntlandes) Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo waftigii uu hoggaaminayey ayaa maanta 20-April-2016 u safray magaalada Bahar Daar ee dalka Ethiopia halkaas oo uu uga qayb galaya shirkii sannadla ahaa ee Madaxda Afrika ee Tana High Level Forum ee looga hadlo xaaladaha dhaqaale iyo amni ee Qaaradda Afrika.

234-9b

Dr Cabdiweli ayaa ka dhoofay magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug. Shirka 6aad ee Tana High Level Forum ayaa waxa uu qaabsoomi doonaa 22-23 April 2017, waxaana diiradda lagu saari doona sanadkan Khayraadka Dabiiciga ah ee Qaaradda Afrika “Natural Resource Governance in Africa”.

Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa shirka ka jeedin doona khudbad taariikhi ah uu xoogga ku saari doonaa guud ahaan xaaladaha Amni iyo dhaqaale ee waddanka Soomaaliya gaar ahaa Puntland iyo Khayraadka Dabiiciga ee Allah u ku manaystay.

Waa shirkii 4aad ee Tana High Level Forum oo lagu casuumo madaxweynaha dawladda Puntland tan iyo markuu xilk amadaxtinimada la wareegay 8 jan 2014tii, iyadoo ay shirk akasoo qayb galaan madaxweynayaal iyo madax kale oo ka socota Qaaradda afrika.

 

About The Author