Sawirro: Jaaliyadda & Ardaydayda Malaysia oo xaflad ballaaran oo soo dhawayn ah u sameeyay Xil. Sulayman M. Xaashi.
7 May 2017 (Puntlandes) Jaaliyadda iyo Ardaydayda Soomaaliyeed ee dalka Malaysia ayaa xaflad ballaaran oo soo dhawayn ah u sameeyay Xildhibaan Sulayman Maxamuud Xaashi oo ka mid ah Golaha Shacabka ee Baarlamaanka JFS oo iminka booqasho ku jooga dalkaasi.
Waxaa munaasabadda ka hadlay Gudoomiyaha Jaaliyadda iyo Gudoomiyaha ardayda Soomaaliyeed ee dalka Malaysia.
Xildhibaan Sulayman oo gabagabadii ka hadlay munaasabadda soo dhawaynta ah ee loo sameeyey ayaa sheegay inuu dalku u baahan yahay dad aqoon leh, oo waddaniyiin ah, oo dalkooda wax u qabta.
Wuxuu Xildhibaanku aad ugu dhiiri galiyay in loo baahan yahay dhalinyardu aqoonta ay kasbadeen inay dalkii ay kula noqdaan oo dhulkooda ku anfacaan, halkii ay dibadda u yaaci lahaayeen taas oo khasaaro ka dhigaysa juhdigii waalidku soo galiyay inuu ilmihiisa waxbaro.
Ugu danbayn waxay kusoo gabagabowday munaasabaddu jawi aad u qurux badan waxayna aad ugu faraxsanaayeen Jaaliyadda iyo Ardadu xildhibaanka booqashadiisa isagoo ka mid ahaa ardaydii horay uga baxday jaamacadaha Malaysia gaar ahaan jaamacadda kulanku ka dhacay ee International Islamic University (IIUM).