Madaxweynaha dawladda Puntland oo berri oo talaado ah u safraya London

8 May 2017 (Puntlandes) Madaxweynaha dawladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sida ay ogaatay Warbaahinta Puntlandes waxa uu u safrayaa magaalada London ee dalka UK, halkaas oo uu uga qayb galayo Shirka Soomaalida oo furmaya 11ka may.

234-5b4a

Madaxweynaha ayaa ku sugnaa magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya ilaa iyo Sabtidii oo uu kasoo ambabaxay magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug, isagoo halkaasi ku gaaray safar shaqo.

Wadanka UK gaar ahaan magaalada London ayaa waxaa  ka socda diyaar garow wayn oo loogu jiro soo dhawaynta madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo BAAL TAAKHIYA ku galay horumarinta Puntland isagoo wax badan ka qabtay dhan walba sida:

Dhismaha Wadooyin, Garoomo Diyaaradeed, Dekaddo, Ceelal Biyood, Iskuulo Waxbarasho oo ay ugu horayso kuwa xirfadaha, Isbitaalo, Dhismayaal fara badan ee hay’addaha dawladda iyo qaar kale oo badan.

Shacabka reer Puntland oo horumarka aad u jecel ayaa u haya madaxweynaha niyad wanaag iyo taageero aan xad lahayn, maadaama uu yahay madaxweynihii ugu waxqabadka badnaa ee Puntland soo mara intii ay jirtay.

Puntlandes.com

About The Author