Sawirro: Ciidanka PSF oo deeq raashin gargaar ah gaarsiiyay degmada Taleex ee gobolka Sool

20 May 2017 (Puntlandes) Ciidanka PSF ayaa deeq raashin iyo dawooyin ah gaarsiiyay degmada Taleex ee gobolka Sool oo ay ku sugan yihiin boqolaal qoys oo ay saameyn ku yeelatay abaartii Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya soo martay.

Raashinka gargaar ah ayaa iskugu jira bur, bariis, sonkor, saliid, caano, timir, biyo iyo daawooyin  kala duwan oo loogu talo galay  qoysaska danyarta ah ee degmada Taleex iyo deegaanada hoostaga ee gobolka Sool, Puntland

Deeqda ayaa Saraakiisha PSF ku wareejiyeen maamulka degmada, si ay ugu qeybiyaan dadka danyarta ah ee u baahan.



Puntlandes.com

About The Author