Sawirro: Madaxweynaha Soomaaliya oo ka qeyb galay shirkii Madaxda dalalka Islaamka iyo Mareykanka

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta kaga qeyb galay magaalada Riyadh shirka Madaxda dalalka Islaamka iyo Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, kaasoo uu marti geliyay Boqorka Sacuudiga Boqor Salmaan.

Madaxweyne Farmaajo oo saaka gaaray magaalada Riyadh, kaddib markii uu subaxnimadii hore ka ambabaxay magaalada Muqdisho, ayaa shirka ka qeyb galay gelinkii dambe ee maanta oo si rasmi ah loo furay.

Shirkan ayaa ahaa kii u horeeyay ee noociisa ayaa waxaa diiradda lagu saaray iskaashi dhex mara labada dhinac, la dagaalanka waxa loogu yeero Argagixisada, xagjirnimada iyo sidii maalgelin loogu lahaa la dagaalanka kooxahaas.

Boqorka Sacuudiga Boqor Salmaan ayaa furay shirka, isagoo ka hadlay sida Sacuudiga uga go’an tahay inuu la dagaalamo argagixisada iyo in la abuuro iskaashi dhex mara dalalka Islaamka iyo Mareykanka.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ugu baaqay Madaxda Carabta inay la dagaalamaan Xagjirnimada, isla markaana argagixisada ka saaraan dhulkooda.

Waxaa lagu wadaa in Madaxweynaha Mareykanka uu qaabilo Madaxda ka socota dalalka Islaamka oo mid mid ula kulmi doono, Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka mid ah madaxda la kulmi doona.
Farmajo1

Farmajo3

islamic

Trump

Farmajo2
puntlandes.com

About The Author