Sawirro: Raysul Wasaaraha DFS oo casho sharaf u sameeyey qaar ka mid ah Suxufiyiinta Soomaaliyeed

24 May 2017 (Puntlandes) Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa Xalay  qaar ka mid ah suxufiyiinta Soomaaliyeed casho sharaf ugu sameeyey xarunta Madaxtooyada kuna dhiiri geliyey inay dadaalkooda sii labo jibaaraan oo ay bulshada gaarsiiyaan horumarka iyo wadan jaceylka.

Ra’iisul Wasaaraha  ayaa warbixin ka dhageystay madaxda suxufiyiinta Soomaaliyeed isla markaasna soo dhoweeyey talooyinka muhiimka ah oo ay u soo jeediyeen.

Sidoo kale, waxaa cashada ka hadlay Wasiirka Warfaafinta Mudane Eng. C/rixmaan Cumar Cusmaan (Yarisow), Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Mudane Thabit Cabdi Maxamed, Madaxda Ururka Saxafiyiinta Qaranka ee (NUSOJ) iyo qaar kamid ah Agaasimeyaasha Warbaahinta madaxa bannaan.

IMG_20170524_082636

Puntlandes.com

About The Author