Dagaalka siyaasadeed ee ka dhex bilowday Wadamada Khaliijka Saamayn intee le’eg ayuu ku yeelan karaa dowladda Soomaaliya

Khilaafka ka dhex taagan wadadama Khaliijka ayaa cirka isku shareeray, Sacuudi, Masar, UAE, Bahrain, Yeman iyo Liibiya ayaa xiriirkii u jaray dalka Qadar, xataa wadamadaas waxay diideen in ay soo dulmaraan diyaaradaha Qadar laga leeyahay, waxaan la xiray dhamaan xuduudaha dhanka badda iyo bariga ee ka dhaxaysa Qadar iyo dalalkaas, waxayna ku amreen in muwaadiniintooda uga baxaa mudo 14 cisho ah.

235-3e7b

Su’aasha isweydiinta u baahan waxaa weeyey talaabo noocee ah ayeey qaadanaysaa Dowladda Soomaaliya? waxaa jiri kara in cadaadis uga yimaado dalalka khaliijka……Suurtagal ma tahay in ay sidii Sweden kalhore loo cambaareeyey iyadoo la fiirinaya danta Sacuudiga?….. ..Suurta gal ma tahay sidii Iraan bilaal sabab la’aan ay dowladii hore xiriirka ugu jartay iyadoo fiirinaysay danta Sacuudiga….Suurta gal ma tahay in ay mooqif aan u jeedo lahayn laga qaato sidii dhacday 2014 markii dowladda Soomaaliya ay Ruushka ku cambaaraysay dagaalkaii Caramia ee u dhaxeeyey Ukrain iyo Falaagadii Ruuskha taageerayey iyadoo fiirinaysa danta Maraykanka,….Dowlada Soomaaliya ma qaadanaysa talaabooyin qar iska tuurnimo ah sidii dhacday xiliyadaas aan kor ku soo xusay. Maxaa la gudboon dowladda Soomaaliya si ay arinkaan uga istaagto mowqif adaga madaama uu saamayn ku yeelanayo?

Waa dood furan qof walba ra’yigaaga ka soo dhiibo inta aan xeero iyo fandhaal kala dhiicin.

By Diraac Fagaase

About The Author