Sawirro: Banaanbax ballaaran oo looga horjeedo Maamulka Axmed Madoobe oo ka dhacay Afmadow

9 June 2017 (Puntlandes) Wararka ka imaanaya degmada Afmadow ee Gobolka Jubadda Hoose ayaa sheegaya in banaanbax ballaaran oo looga horjeedo maamulka Axmed Madoobe uu ka dhacay halkaas, iyadoo shaqaaqo ka dhalatay banaanbaxaas ay sababtay dhimasho iyo dhaawac.

Dadka banaanbaxayey ayaa isugu jiray qaybaha kala duwan ee bulshada Afmadow iyagoo ku eedeeyey maamulka Axmed Madoobe inuu wax ku wado eex iyo qabyaalad.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada maamulka Jubbaland ay xabsiga dhigeen odayaal ka mid ah kuwa deegaanka, waxaana rasaas ay ku kala ceyrinayeen dibadbaxyaasha ay sababtay dhimasho iyo dhaawac.

Dadka deegaanka Afmadow ayaa sheegay in adeegii maamul ee ay uga baahnaayeen maamulka Axmed Madoobe aanay helin, ayna u dheer tahay dhibaatooyin ay kala kulmaan maamulkiisa.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa lagu dhaliilay in maamulkiisa uu caburin ku haayo dadka rayidka ah iyo ku tagri fal hantidii ummadda Jubaland ka dhaxaysay oo uu si qaldan u maamusho.

Degmada Afmadow ayaa ka mid ahaa deegaanadii laga saaray Al-Shabaab sanadkii 2012, waxaana tan iyo xilligaas la sheegay in wax horumar ah ka jirin deegaanka, waxaana tan iyo markii Axmed Madoobe loo doortay Madaxweynaha Jubbaland la sheegay in aanu marna booqasho ku imaan Afmadow.
235-4b1

235-4b5
235-4b2
Puntlandes.com

About The Author