Akhriso Guddiga doorashada Puntland oo wax ka badel ku sameeyay sharuudaha diiwaangalinta furashada ururada siyaasadeed & war ku saabsan Dhismaha Maxkameda Dastuuriga

13 June 2017 (Puntlandes) Guddiga kmueel gaar ah ee doorashooyinka Puntland ayaa maanta shaaciyay warmurtiyeedka kasoo baxay shir wadatashi ah oo ku saabsan sida lagu hirgelin karo hanaanka axsaabta badan ee Puntland, kaas oo laba cisho ka hor ka dhacay Garowe.

Xoghayaha Guddiga doorashooyinka KMG ah ee TPEC Liibaax Saalax ayaa saxaafadda u akhriyay warmurtiyeedka ka kooban lixdaan qodob ee hoos ku xusan.

1: In la yareeyo qidmadaha diiwaangelinta furashada ururada siyaasada iyo qidmada xisbiga.

2: In la yareeyo tirada taageerayaasha ururadu ay ku yeelan karaan gobolada Puntland.

3: In la sameeyo maxkamadii dastuuriga ahayd ee Puntland sida ugu dhaqsiyaha Puntland.

4: In la kordhiyo waqtigab diiwaangelinta ururada.

5: In la socodsiiyo hannaanka geeddi-socodka xisbiyada badan iyadoo aan lagu xiran xilli doorasheedka 2019.

6: In dowladda Puntland ay shir u qabato beesha caalamka gaar ahaan kuwa daneynaya arrimaha doorashooyinka dimuqraadiyadeed ee Puntland.

Puntlandes.com

About The Author