Daawo kullan ay Shacabka Gobolka Jubada Dhexe uga dhawaaqeen inay kalsoonidii kala noqdeen Axmed Madoobe & Isku Tashina ay ku baaqeen

17 June 2017 (Puntlandes) Magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya ayaa waxaa ka dhacay kullan ballaaran oo ay isugu yimaadeen shacabka Gobolka Jubada Dhexe iyagoo kaga tashanayey marxaladda aadka u qalafsan ee uu iminka ku sugan yahay Gobolkaaasi.

6

Kullnka oo ay kasoo qaybgaleen qaybaha bulshada ee Gobolkaasi ayaa waxay cod dheer ku sheegeen sida uu u noqday Dhiigoodii ay usoo hureen dhismihii Jubaland mid khasaaray oo aan yeelan faa’iidadii laga filayey iyadoo ay Jubaland noqotay maamul aan shaqayn oo uu madxaweyne Axmed Madoobe boorso ku ritay.

Waxgaradkii, siyaasiyiintii iyo aqoonyahanadii ka hadlay kullanka ayaa sheegay inay soo kartay shacabka Jubada Dhexe Riwaayadii uu Axmed Madoobe caadada ka dhigtay ee uu inta uu Tuute xirto oranayey waxaan xoraynayaa dhulka la haysto taasoo ah wax aan run ahayn, waxaana kullanka laga dhawaaqay Isku Tashi ay samaynayaan shacabka gobolkaasi iyagoo Dowladda Fadaraalkana ugu baaqay inay Caawimaada ay XAQA UGU LEEYIHIIN AY SIISO gobolkoodana ay iyagu Xoraysanayaan.

Dhamaan dadkii ka hadlay kullanka waxay isku raaceen inuu Gobolka Jubadda Dhexe ka haray 17ka Gobol ee kale ee Soomaaliya, meesha ay horumarka ku talaabsadeena gobolada kalena uusan gobolkani haysan adeegii aasaasiga ahaa.

Dhanka waxay shacabka Gobolka Jubadda Dhexe isku raaceen inay kalsoonidii kala noqdeen maamulka fadhiidhka ah ee uu madaxweynaha ka yahay Axmed Madoobe.

Bilihii u dambeeyey ayaa maamulka Kismaaayo waxa uu u muuqday meel ay ka taliso Jamhad uu madax ka yahay shaqsi aan waxba ka aqoon maamul oo doonaya inuu magaalada iyo khayraadkeeda jeebka ku rito kuna naasnuujiyo dad gooni h.

Waxaana si xawli ah u socday mucaaradnimada ay Beelaha Soomaaliyeed ee reer Jubaland u muujiyeen maamulka Axmed Madoobe kadib markii ay u cadaatay inuu FASHILMAY kana soo bixi waayey mas’uuliyaddii loo dhiibtay.

Shacabka Jubaland ayaa iminka uga quustay hogaanka Axmed Madoobe si isku mid ah, iyagoo iminka ka wada shaqaynaya sidii ay Jubaland ku badbaadin lahaayeen isagana horwaeeejin lahaayeen Axmed Madoobe.

Daawo muuqaalka kullanka

Puntlandes.com

About The Author