Daawo Muuqaalo Galayr oo si rasmi ah maanta ugu biiray Somaliland (Akhriso heshiiska)

17 June 2017 (Puntlandes) Waxa maanta oo ay taariikhdu tahay 17ka June 2017 magaalada Hargeysa kusoo dhamaaday wada hadaladkii Somaliland iyo Kooxda Cali Khaliif Galayr ee Khaatumo uga socday Hotel Ambassador ee magaalada Hargeysa.

18

Wada hadalkan ayaa waxa kasoo baxay qodobo dhawr ah oo ay kala saxeexdeen Somaliland iyo Kooxda Galayr, kuwaas oo ay kala saxeexdeen gudiyadii labada dhinac u matalayey dawlada Somaliland iyo Kooxda kHaatumo.

Qodobada lagu heshiiyey:

  1. Somaliland iyo Khaatumo inay ku dedaalaan sidii afgarad buuxa looga wada gaadhi lahaa
  2. In la wada qorsheeyo lagana wada shaqeeyo sidii loo heli lahaa somaliland loo wada siman yahay oo ku dhisan cadaalad, maamul wanaag iyo xaq dhawrista xuquuqal iinsaanka, ku dhisan diinta islaamka oo muwaadiniinteedu midna ku ahayn marti balse ay u wada siman yihiin.
  3. In dastuurka somaliland la furo si loo xaqiijiyo awood qaybsi sugan oo cadaalada ku dhisan oo laga sameeyo madaxda golayaasha fulinta, sharci dejinta, garsoorka iyo hay’adaha dawliga ah.
  4. In la sameeyo maamul daadejin heer gobol, degmo iyo magaalo lana qeexo mid walba awoodeeda.
  5. In shir dambe layskugu yimaado 10-ka July laguna qabto magaalada Burco si lo odhameeyo wixii qabyada ah lagana tashado qaabkii iyo hanaankii loo qaban lahaa shir loo wada dhan yahay

Heshiiskana waxa si wada jir ah u saxeexay Gudoomiyaha guddida wada hadalka khaatumo ee somaliland Dr. Sacad Cali Shire ahna wasiirka arimaha dibada somaliland iyo Gudoomiyaha Weftiga Khaatumo Maxamuud Sheekh Cumar Xasan ahna gudoomiyaha maamulka khaatumo ee Baarlamaanka.

17

Muuqaalo filo dhawaan
Daawo wasiirka Arimaha Dibada Somaliland oo ka hadlaya kusoo biirista Somaliand ee Galayr

Daawo Gudomiye kuxigeenka Xisbiga Kulmiye Maxamed Kaahin oo Galayr kusoo dhaweeyey Somaliland

Daawo Cali Khaliif Galayr oo ka hadlaya ku biiristiisa Somailand

Daawo Faysal cali waraabe oo amaanat Galayr eedeeyeyna Puntland

Daawo bahdilida Kooxda Galayr “Waligay ma filayn inaan Hargayso saxaafadda kula hadli karo”

Puntlandes.com

About The Author