Daawo Video: Puntland oo Ceel Biyood ka hirgalisay Deegaanka Xabaal Reer oo ka tirsan Gobolka Karkaar
21 June 2017 (Puntlandes) Dawladda Puntland ayaa Ceel Biyood ka hirgalisay Deegaanka Xabaal Reer oo ka tirsan Gobolka Karkaar, iyadoo ay halkaasi ka jirtay baahi biyo oo ay u qabeen dadka iyo duunyadu.

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa waxyaalihii u balan qaaday markuu ololaha doorashada ku jiray waxaa ka mid ahayd in reer Puntland ay helan biyo Nadiif ah, wax ka qabashada kaabayaasha dhaqaalaha sida Wado u sahasha safaradooda, Garoomo Diyaaradeed, Dekaddo la jaanqaadi kara aduunka, waxbarasho tayo leh iyo adeeg caafimaad.
Dawaladda Dr Cabdiweli ayaa noqotay 3 dii saano iyo barkii ay xilka haysay dawladdii dalka ka qoday Ceelal Biyoodkii ugu badnaa ee abid laga qodo Puntland, sadeex Garoon Diyaaradeed oo caalami ah oo mid dhamaaday, midna gabogabo marayo halka kii sadexaadna la bilaabay, wadooyin la dhisay qaarna la dayactiray, Iskuulaad badan oo la dhisay iyo tayadii waxbarashada oo kor loo qaaday, Adeega caafimaad ee Puntland oo iminka ah mid la isku halayn karo.
Dawaladda Dr Cabdiweli ayaa taariikhda ku gashay dawladdi waxqabadka
Daawo Video: Puntland oo Ceel Biyood ka hirgalisay Deegaanka Xabaal Reer oo ka tirsan Gobolka Karkaar
Puntlandes.com