Dhagayso: Wasaaradda Waxbarashada Puntland oo ku dhawaaqday natiijada imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada Sare

29 June 2017 (Puntlandes) Wasaarada waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee dawlada Puntland ayaa maanta ku dhawaaqday natiijada imtixaanka Shahaadiga ah ee dugsiyada Sare ee Puntland.
28a

Wasiirka waxbarashada Dr Abshir Yuusuf aw Ciise ayaa khdbad dheer ka jeediyey munaasabadda ku dhawaaqidda isagoo ku dheeraaday heerarkii ay soo mareen Iskuuladda Puntland iyo tayadooda iminka isagoo aad u amaanay meesha uu maanta joogo.

Agaasimaha waaxda Imtixaanaadka Puntland Axmed Maxamuud Warsame, ayaa sheegay in xafiiskiisu uu sanadkaani dedaal dheeraad ah geliyey hirgelinta imtixaanka, isagoona goobta ka sheegay qaabkii imtixaanku u dhacay bilow ilaa dhammaad.

Dhagayso Agaasimaha


Dhanka kale Wasiierka ayaa ku dhawaaqay 11-kii arday ee sanadkaan ugu sareeyey guud ahaan dugsiyada Sare ee Puntland.

Dhagayso khudbadii wasiirka


Hoos ka akhriso 11 arday ee ugu sareysay imtixaanka Sanadkan

19601265_1902836256657983_6552197482351821381_n

Puntlandes.com

About The Author