Daawo Hees cusub oo ka tarjumaysa Horumarka Puntland ”Puntland ha isku tashato”

Heestaan la magac baxday ”Puntland ha isku tashato” waxay miraheedu kasoo maaxdeen Abwaan Bashir Cabdi Jaamac (Shiish), isagoo ku xusaya waxqabadka uu Puntland ka sameeyey dawlada Puntland ee uu madaxweynaha ka yahay Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas gaar ahaan mashaariicda kala duwan ee kaabayaasha Dhaqaalaha la xiriira.

47

Heesta ayaa waxay ku bilaabanaysaa:

  • Shacab Hoodo lahoo
  • Hogaan wacan helaa Horumaree
  • Puntland halyey baa u kacay
  • Dhaqaalahan heersare marayoo
  • Mashaariicdan laga haagayee
  • Hiinso oo Haruubka keen
  • Waa Hoobaantii
  • Halku dhagii ahaa
  • Puntland ha isku tashato
  • Hayaanka Geedigeena
  • Hogosha & Hilaaca muuqda
  • Halkaanu haabinayno
  • Addaa nagu hagaayee
  • Midhaa kuma hilmaano
  • Cabdoow kuma hilmaano

Heesta Puntland ha isku tashato waxaa ku luuqaynaya ama qaadaya Fanaanka caanka ah ee Bashiir Maxamed Abshir (Bashiir Nagaara)Muusikada waa Abdiwahab canter Naji iyo duubistii Liibaan studio.

Mahadcelin Gaar ah: Mahad waxay u sugnaatay Allah, laakiin Abwaan Shiish iyo Fanaan Bashiir Nagaara waxay mahad gaara u jeedinayaan Fanaanka caanka ah ee Abdi Adan Isaxaaq (Abdi Janan)

31a

Heesta Puntland ha isku tashato oo macne badan Xambaarsan ayaa Abwaan  Bashiir waxa uu ku Cabirayaa waxqabadka xukuumada Puntland ee madaxweynaha ka yahay Dr Cabdiweli iyo horumarka ay Puntland ka samaysay, iyadoo caan ku noqotay Xukuumadani “Puntland ha isku tashato”

Halkan Hoose ka daawo Heestii cusbayd ee Puntland ha isku tashato (Daawasho wacan)

Puntlandes.com

About The Author