Dhagayso: Xil. Xaawo “kala dirista Golaha wasiiradda Puntland way ku deg degeen Baarlamaanka Puntland”

19 July 2017 (Puntlandes) Xildhibaanad Xaawo Axmed Yuusuf oo kamid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya lagana soo doortay Puntland ayaa ka hadashay sida ay u aragto tilaabadii Shalay Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland ay Xasaanadii kala laabteen Golaha Wasiirada Puntland.

39c

Xildhibaanad Xaawooo la hadleeysay warbaahinta ayaa sheegtay in marka hore Xildhibaanada laga doonayay in ay mid mid ula xisaabtaan Xubnaha Golaha wasiirada ka hor inta aanay go aanka kala dirista qaadan.

Xildhibaanada ayaa sheegtay in go’aankaasi uu ahaa mid lagu deg degay islamarkaasina ay aad uga xuntahay, waxayna sheegtay in Baarlamaanku uu xaq u leeyahay in ay kala diraan xubnaha Golaha wasiirada hayeeshee la doonayay in ay sameeyeen la xisaabtan iyo qiimayn.

Shalay ayey ahayd markii Baarlamaanka Puntland ay kalsoonidii kala laabteen dhamaan Gollaha wasiiradda dawladda Puntland, taaso ka yaabisay shacabka, aqoonyahanka iyo siyaasiyiinta

Dhageyso Xildhibaanad Xaawo Axmed Yuusuf


Puntlandes.com

About The Author