XOG RASMI AH: Maxay tahay sababta Baarlamanaka Puntland u kala diray Golaha Xukuumada?!

19 July 2017 (Puntlandes) Shacabka Puntland ayaa shalay subax waxay ku waabariisteen go’an kasoo baxay Baarlamaanka Puntland kaasoo uu xasaanadii kala laabtay dhamaan xubnaha Golaha wasiiradda ee dawladda Puntland.

Tallaabadan ayaa dad badan oo reer Puntland ah waxay is weydiinayaan sababta ay ku timid iyo waxa keenay in markii ugu horaysay Puntland hal mar la rido golaha Xukuumadda.

Gudoomiyaha Baarlmaanka Puntland

38c

Gudoomiyaha Baarlaamnaka Puntland oo ah masuul xilkas ah ayaa Xildhimaanadda Puntland waxay ugu horayn u jeediyeen hanjabaadiyo ah inay  xilka ka qaadayaan haddii uusan kala shaqayn danaha ay ka leeyihiin madaxtooyadda Puntland.

Warbaahinta Puntlandes ayaa ogaatay in Gudoomiyahu uu hanjabaadaas u qaatay si rasmi ah uuna u balan qaaday inuu kala shaqaynayo wax walba oo ay madaxtooyada ka doonayaan.

Sababta Baarlamanaka Puntland u kala diray Golaha Xukuumada?

Warbaahinta Puntlandes oo arinkaan daba gal xoogan iyo xog raadin qoto dheer ku samaysay ayaa waxay ogaatay in khailaafka ay sababtay kadib markii  Baarlamaanka Puntland uu laaluush tiro badan oo gaaraya 5 milyan oo doollar ka dalbaday Madaxwaynaha dawladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas si ay u ansixiyaan heshiisyada Mashaariicda horumarinta Dekadda Bosaso, dhismaha Garoonka Diyaaraddaha ee Galkacayo iyo dhismaha wadada isku xirta Eyl iyo Garowe.

38e

Baarlamaanka Puntland ayaa waxayna ugu hanjabeen madaxweynaha in ay kala diryaan Golaha wasiirada hadii aan la siin lacagtaas tirada badan oo ay  laaluush ahaanta uga dalbadeen lacag 10 Milyan ah oo deeq ahaan ay Puntland uga heshay waddanka Imaaraadka , sida ay xog rasmi ah ku heshay Warbaahinta Puntlandes.

Baarlamaanka ayaa arinkaan u saaray gudi ka kooban 10 xubnood si ay wada hadal ula galaan madaxwayne Gaas ugana soo qaadaan lacagta laaluushka ah oo ahayd 5ta milyan, iyagoo qoondaystay inuu xildhibaankiiba helo aduun lacageed oo gaaraya  75758$ doollar taasoo ah lacag aad u faro badan dalkana loogu qaban karo mashaariic badan oo wax tar u ah dalka iyo dadka.

 
Gudiga Baarlamaanka ayaa la kulmay Madaxwaynaha labo jeer oo ay kala hadleen lacagtaas ay doonayeen, waxuuna ku dhamaadeen kulamadaasi isfaham waa iyo kala kac.38b

Madaxwayne  Dr Gaas ayaa u sheegay Baarlamaanka in lacagtii uu ku bixiyay mashaariic horumarineed oo kala ah:

  • Dhamaystirka Airport ka Garowe  2.5milyan Dollar
  • Dhamayatirka Wadada Ceel-Daahir iyo ceergaabo 1 milyan dollar
  • Dhamaystirka Dhismayaasha madaxtooyada Garowe iyo Galkacayo 1 milyan Dollar
  • Burburinta iyo diyaarnta dhulka dekadda Bosaso lagu balaarinayo 2 milyan Dollar
  • Lacagta inta kale ee hartayna waxaa loo qorsheeyay  kab Mushaarka ciidamada dawladda Puntland.

Lacagta mashaariicda horumarineed uu ku bixiyey madaxweynuhu ayaa gaaray 6.5 Milyan oo doollar, halka 3.5 soo hartayna loo qoondeeyey in lagu kabo mushahaaraadka iyo gunooyinka Ciidanka Difaaca Puntland si tartiib tartiib ah.

38

Madaxweyne Gaas ayaa Guddiga Baarlamaanka si cad ugu sheegay inuusan lacagtaas hayn oo uu ku bixiyay hormarinta waddanka iyo kor u qaadista Kaabayaasha Dhaqaalaha.

Madaxayanaha  ayaa si adag u diiday inuu laaluush bixiyo si loo ansixiyo mashaariicda, wuxuuna ku booriyay Baarlamaanka in ay shaqadooda dastuuriga ah ay qabsadaan, isagoo xusuusiyey inay ku dhaarteen Xildhibaanadu inay danta guud ee dalka ay ka horumariyaan tangaarka ah.

Warbaahinta Puntlandes ayaa xogta ku ogaatay in hadalkii madaxweynaha ay ay gudigii Baarlamaanku aad uga caroodeen, iyagoo u hanjabay madaxweynaha inay talaabo adag ka qaadi doonaan.

Intaas kadib Gudiga ayaa wuxuu jawaab ama wixii uu kula kulmay madaxweynaha ku celiyayeen Baarlamaanka intiisa kale, waxayna u sheegeen in Madaxwayne Gaas uu diiday lacagtii uu Baarlamaanku ka dalbaday.

Dood dheer kadib Baarlamaanka ayaa go’aansaday inay ka dhabeeyaan hanjabaadoodii oo ay kala noqdaan xasaanada xukuumada madaxweyne Dr Gaas, iyadoo uu Baarlamaanka ka carooday jawaabta Gaas ay caradii kula dhaceen Golaha wasiirada dawladda Puntland waxayna u raadiyeen qiilal iyo sababo raqiis ah sida amni xumo iyo dhaqaale xumo si loogu xumeeyo Madaxweynaha oo waqtigiisu ka harsanyahay 1 sanno iyo bar, laguna dakeeyo inuu fuliyo mashaariicda horumarineed ee ay Xukuumaddu gacanta ku hayo iyo kuwa soo socda.

Ma tahay hada Waqtiga la kala diro Xukuumad?

Kala diridda Xukuumadda Puntland ayaa lagu soo beegay xilli ay dawladda Puntland isku diyaarinaysay soo dhawaynta madaxweynaha JFS mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, isku diyaarinta sannadguuradii 19aad ee kasoo wareegtay markii la aasaasay Puntland 1dii Agoosto 1998dii iyo mashaariic horumarineed oo ay qaarnasocdaan qaarna jidka ay kusoo jiraan aana looga maarmin Wasiiradda shaqadooda soo waday.

38a

Talaabadan uu Baarlamaanka Puntland shalay qaaday ayaa fajiciso iyo yaab ku noqotay  shacabwaynaha iyo waxgaradka Puntland, waxayna la yaabeen  hunguri xumada iyo masuuliyad darada uu la soo baxay Baarlamaanka Puntland.

Khubudarada siyaasadda Puntland odorosa ayaa waxay ka muujiyeen arinkan walaac xooggan, iyagoo ku sifeeyey dib u dhac siyaasadeed iyo mid horumarineed oo ay Puntland cagta saartay.

Puntlandes.com

About The Author