Madaxwayne Gaas oo Hay’adda Astaynta iyo mamul wanaga ku amray inay dabo gasho hay’adaha dowladiga aan ahayn iyo hay’adaha dowladiga ah

0

 

97

 

Xeer madaxwayne oo Lr-kiisu yahay 90-soona baxay 13-ka bishaan ayaa Hay’adda Astaynta iyo mamul wanaaga Puntland lagu faray inay mamulka wanagsan gaarsiiyo Hay’adaha dowladda.ciidamada iyo hay’adaha dowladiga ahayn ee ka shaqeeya deegaanadda Puntland si loo arko is-badal shaqo iyo mamul wanagsan oo ay dadku sugayaan.

Warqadan kasoo baxay xafiiska madaxwayne Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa lagu sheegay madaxwaynaha Puntland inuu xeeriyay.

In Puntland laga hir galiyo Mamul wanag ku qotama shaqo hufnaan,daacadnimo iyo isla xisaatan dhab ah.

In ay Puntland yeelato xafiis mamul wanaagga ilaaliya oo u dhaxeeya dowladda iyo shacabka Puntland,lehna awood buuxda oo madaxbannaan kaas oo si toos ah u hoos imaanaya madaxwaynaah Dowladda Puntland .

In dhamaan Wasiiradda,Taliyayaasha Ciidamadda iyo masuuliyiinta dowladda iyo kuwa aan dowliga ahayn ee Puntlanda ay wada shaqayn dhab ah iyo iskaashi la yeeshaan xafiiska Astaynta mamul wanaga ee Puntland.

Arrintaan ayaa timi ka dib markii madaxwaynaha dowladda Puntland uu kormeer aan la shaacin ku tagay qaar ka mid ah xarumaha wasaraddaha kuwaasoo qaarkood aysan wax shaqo ah ka socon isla markasna u baahday in dib u habayn deg deg ah la sameeyo si loo oofiyo balanqaadyadda la muujiyay.

Docda kale Agaasimaha Astaynta iyo mamul wanaaga Puntland oo warqad u wada diray dhinacyadda ay wada shaqayntu kala dhaxayso ayaa sheegay inay muhiim tahayin laga wada shaqeeyo fulinta amarka kasoo baxay madaxwaynaha Puntland lana muujiyo karti iyo daacadnimo shaqo.

”Xafiiskan Mamul wanaaga Puntland waxa loo asaasay in la dardar galiyo hufnaanta howlaha dowladda,kuwa aan dawliga ahayn iyo in la xoojiyo kalsoonida,iskaashiga iyo wada shaqayn dhexmarta xafiisyadda iyo shacabka Puntland”.

Cabdiraxmaan Cali Guuriye ayaa ka tirsanaa xubnihii aadka ugu ololayn jiray ama sida xad dhaafka ah uga amaani jiray Gaas TV-yada Soomaalida markii uu ku jiray ololihii ay ugu magacdareen ”isbedeldoon” kooxda hada dalka taladiisa haysata.

Wareegtadan ayaa u muuqata mid mashruuq shaqo loogu abuuraya xafiiska Guuriye ood moodo in uu meel cidla ah ku soo dhacay.

Gaas ayaa intii uu talada dalka la wareegay aad ugu mashquulsanaa sidii uu shaqo ugu abuuri lahaa xumnihii u durbaantumayey markii uu kursiga u ordayey.

Ragii caanka ku ahaa ololihii Gaas dhamaantood maanta waxay ka hayaan dalka xilal muhuum ah. Meeshii wixii ugu muhiimsanaa ee loo doortay Gaas ee ahaa waxqabad uu ka seexday, dalkii loo dhiibayna in badan Somaliland qabsatay, Xamarna ayba maamulato Puntland!! Waxa kaliya ee Gaas hayaa waa shaqo u abuurid ….

 

Xafiiska wararka

Punlandes.com

About The Author

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *