Garowe:- Jah-wareerka ka jira shaqada hay,adaha samafalka.

0

 

104Waxaa sii xoogeysanaysa cabashada ka imaanaysa xafiisyada hay,addaha iyo NGO’ska ku leeyihiin magaalada Garowe ,ka dib markii qaabka la xisaabtankooda iyo fulinta mashaariicdooda hor yimaadeen caqabado hor leh oo ku saabsan is fahan la,aan ka dhex jirta qaar ka mid ah  xafiisyada dowlada.

 

Cabashada xoogeeda xafiisyada hay,addaha ayaa salka ku haysa  faro galin qaawan oo ay kala kulmeen saddex xafiiis oo labo ka mid ah aysan sharci  u lahayn , kuwaas oo sida uu sheegey mid ka mid ah madaxda xafiisyada Hay,adda Garowe inay kusoo kordhiyeen jahwareer iyo is fahan daro.

103

Hay,addaha samafalka xafiisyada ay khaati ka taagan yihiin waa Xafiiska Mashaariicda Madaxtooyada, Wasaarada Qorsheynta iyo Iskaashiga Puntland iyo Xafiiska Gudoomiyaha Gobolka Nugaal.

 

Mana jiraan wax isfahan buuxa ah oo ay ka haystaan nidaamka shaqada masuuliyiinta xafiisyadaas jooga  islamarkaana aysan khibrad buuxda u lahayn cidda ku shaqada leh Hay,addaha iyo International NGO’ska la xisaabtankooda iyo usoo bandhigida mashaariicda ay fulinayaan.

 

 

Hoos ka akhriso  qorshaha cusub ee uu soo kordhiyey Gudoomiye C.qani Xaashi (Bumbo)  halkan riix

99

Xafiiska Mashaariicda Madaxtooyada Puntland oo aan horey u jiri jirin, oo loo magacaabay C/Qani Faarax Dhaashane Agaasimaha Mashaariicda Madaxtooyada ka dib dikreeto uu soo saarey  Madaxweyne Gaas  05 bishii March 2014  ayaa bilaabay

qorshe cusub oo lagu magacaabay la xisaabtanka mashaariicda iyo diiwaan galintooda hay,addaha, kaas oo ka madax banaan  wasaarada Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ee Puntland.

105

Waxaana la xaqiijiyey in madaxda hay,addaha qaarkood tageen madaxtooyada ka dib markii looga yeerey xafiiska mashaariicda ee uu madaxda ka yahay C.qani Dhaashane,  islamarkaana lagu wargaliyey diiwaan galin iyo keenista Document’s ku saabsan mashaariicda ay hayaan . “Riix halkan si aad uga heshid magacaabista dhaashane”.

 

Qorshahan oo ku cusub Puntland ayaa noqonaya mid saddex jiho u yeelaya xiriirka dowlada iyo hay,addaha ka dhexeeya, waxayna ku micneeyeen  qaar ka mid ah khuburada  ku xeel dheer arrimaha mashaariicda iyo horumarinta inuu hoos u dhigayo nidaam-yadii horre ee la gula xisaabtami jirey sidoo kalena lagu jihayn jirey qaabka loo fulinayo mashaariicda .

 

Waxayna ku tilmaameen doorka uu doonayo inuu ku yeesho xafiiska mashaariicda madaxtooyada mid  loogu hanjabayo hay,addaha iyo International NGO’s-ka , kuwooda aan ahayn  UN-  inuu ku yaalo xafiiska Mr Dhaashane meesha laga xukumo hay,kalka dowladnimo ee Puntland, uuna u furayo albaab cusub “Musuq Maasuq iyo Jahwareer”.

100

Wasaarada Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga Puntland ayaa nidaamka mashaariicda hay,adduhu fulinayaan jihayntooda iyo la xisaabtankooda ku shaqo leh marka loo eego sidii horre ee laga bartay xukuumadihii horre ee Puntland.

 

Shakina kuma jiro inay saamayn ku yeelan doonaan fikradaha cusub ee bar bar ordaya kaalintii wasaaradu arrimahaas ku lahayd, xilli uusan jirin xiriir iyo iska war-qab u dhexeeya masuuliyiinta wasaarada iyo kuwa xafiisyadan gaar ahaan  Xafiiska Mashaariicda Madaxtooyada.

 

Bilihii lasoo dhaafey ayay habacsanaan xoog leh ka jirtay doorka shaqo ee wasaarada qorsheynta  , walow aysan jirin mashaariic dhaxal gal ah oo ka mid noqonaya kuwa cusub oo la daah furay tan iyo wixii ka danbeeyey isbedelkii ka dhacay Puntland.

FG:  warbixin  kaga hadashay  “Hardanka Wasaaradaha ka jira ‘

Xigasho Puntlandfox

 

Puntlandes.com

 

 

 

About The Author

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *