Daawo Video: Puntland, Jubaland & KGS oo shaacaya ka qaaday inaysan la shaqayn doonin Wasiirka I. B & T DFS Ing Cabdishakur

24 July 2017 (Puntlandes) Dawladaha xubnaha ka ah JFS ee kala ah Puntland, Jubaland iyo Koonfur Galbeed Soomaaliya oo Shrikii isgaadhsiinta ee Kismaayo uga socday iayga iyo DFS uu fashilmayku dhamaaday ayaa shaacaya ka qaaday inaysan la shaqayn doonin Wasiirka Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada mudane Cabdishakur Xasan, oo kaligiis marooqsaday xeerka Isgaarsiinta Soomaaliyeed.
20a2
Ing Cabdishakur ayaa baarlamaanka u qabiyey Xeer uu ku sheegay inay Soomaaliya kusoo heshiisay isagoo ka codsaday inay ansixiyaan xeerkaas uu kaligiis jeebka kala soo baxay iyadoo shir loo fadhiyey magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee Jubaland.
44b
Wasiirka ayaa taageero ka helaya raysul wasaaraha DFS mudane Xasan Cali Khayre sida ay xog hoose ku ogaatay Warbaahinta Puntlandes.

Warmurtiyeed ay si wadajir ah usoo saareen dawlad Goboleedyada kala ah Puntland, Jubaland iyo Koonfur Galbeed Soomaaliya ayey ku sheegeen inaysan aqoonsanayn waxna kala socon Xeerka wasiir Cabdishakuur, waxayna si acd u sheegeen inaysan la shaqayn doonin wasiirka iyagoo ku eedeeyey inuu mar labaad si been abuur ah u sheegay in Xeerkiisa la isku afgartay maadaama markii hore dib logu soo celiyey.

Puntlandes.com

About The Author