Daawo sawirrada Dhalinta magaalada Halmstad ee dalka Sweden oo Koobkii isdhexgalka dhalinyarada Soomaliyeed, qaaday

15 Aug 2017 (Puntlandes) Magaalada Bostad ee dalka Sweden ayaa waxaa lagu qabtay Koobka isdhexgalka dhalinyarada Soomaliyeed, kaasoo ay kasoo qayb galeen 8 kooxood.

Koobka ay dhalinyaradu ku tartamayeenKubadda Cagta ayey kala ahaayeen 8dii kooxood ee kasoo qayb galay:

  1. Halmstad
  2. Gotheburg
  3. Lund
  4. Lahom
  5. Falkenberg
  6. Ängelholm
  7. Bostad Afg
  8. Eritrea

Koobka oo aad u xiiso badnaa ayna isku hardinayeen Ciyaartooy aad laacibiin u ah ayaa waxaa ugu dambayn Semifinal isugu soo haray:

  • Halmstad vs Laholm                 
  • Lund vs Gotheburg

Ciyaartii Halmstad vs Laholm waxay guushu ku raacday Ciyaartooydii Halmstad 5 iyo 0, haka ay Ciyaartii Lund vs Gotheburg ay guushu ku raacday Gotheburg.

Ugu dambaytii waxaa Ciyaartii Finalka isku hardiyey Ciyaartooydii Halmstad iyo Gotheburg, waxaana Guushu halkaas ku raacday kooxda Halmstad oo Gotheburg kaga badisay 6 gool halka ay Gotheburg la timid 1 gool uu qura, sidaasna waxaa Koobkii ku qaaday kooxdii Halmstad oo halkaas kala hoyday Koobkii.

Daawo sawirrada
1

2

3

4

5

6
Puntlandes.com

About The Author