Akhriso Isdiiwaan gelinta & Furashada Ururada Siyaasadeed ee Puntland oo la fududeeyey

16 Aug 2017 (Puntlandes) Gudiga kumeel gaarka ah ee doorashooyinka Puntland oo shir jaraa’id ku qabtay Caasimada Puntland ee Garowe ayaa ka hadlay fududayn lagu sameeyeen furashada Ururada siyaasadeed.
26c1

Gudiga ayaa ku kordhiyey mudo labo bilood ah oo ka bilaabanaysa maanta waqtiga lagu furan karo ururada siyaasadeed ee Puntland.

Gudiga ayaa ka dhigay lacagta khidmada furashada urur siyaasadeedka 3000 dollar iyadoo uu markii hore ahaa 7500 dollar, halka diiwaangelintana laga dhigay 7500 dollar, iyadoo uu markii hore ahaa 15000 dollar.

Go’aanka ka soo baxay gudiga doorashada Puntland ayaa sabab u ah wax ka bedel ay xukuumadu ku samaysay, kaasoo uu Baarlamaanka Puntland uu ansixiyey dhawaan.

Puntlandes.com

 

About The Author