Dowladda Puntland oo la safatay isbahaygsiga Sacuudiga & UAE

16 Aug 2017 (Puntlandes) Dowladda Puntland ayaa maanta cadeysay inay si buuxda u garab taagan tahay dowladdaha Isbahaysigs Sacuudiga iyo Imaaraatka oo dhowaan xiriirka u jaray dowladda Qatar, kadib markii ay ku eedeeyay inay taageerto arggixisida.

5

Puntland oo aan muddo cadayn mowqifkeeda ayaa maanta si rasmi ah u shaacisay inay qadarinayso xiriirka ganacsiga, midka amniga iyo mashaariicda horumarinta ah ee ay labadaan dowladdood ka fuliyaan Puntland.

Warsaxafaadeed kasoo baxay madaxtooyada Puntland ayaa warkaan lagu sheegay, waxaana loogu baaqay Dawladda Fadaraalka ee Soomaaliya inay inay dib u eegid ku samayso go’aankeedii hore.

Waxaa horay u taageeray isbahaysiga Sacuudiga iyo Imaaraadka Somaliland, halka ay dowladda Fadaraalka ee Soomaaliya ay sheegtay inay dhexdhexaad ka tahay iyadoo loo jeedo inay la safatay Qadar.

Puntlandes.com

About The Author