Akhrisi Digreeto Kasoo Baxday Xafiiska Madaxweynaha Puntland oo Lagu Magcaabay Wasiirru Dawlaha Madaxtooyada Ee Xiriirka Goleyaasha, Ahna Af-hayeenka Madaxtooyada.

Digreeto Maanta Kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa lagu magcaabay xeer Madaxweyne Lr.101 August 16 2017 Wasiirru Dawlaha Madaxtooyada ee Xiriirka Goleyaasha, Ahna Af-hayeenka Madaxtooyada Cabdullahi Maxamed Jaamac (Qudhaan Jecel).

Madaxtooyadda-Puntland

Madaxweynaha Dawladda Puntland.

Markuu arkay:-                      Dastuurka dawladda Puntland.

Markuu tixgeliyey:-               Aqoontiisa iyo Khibradiisa Shaqo.

 

Wuxuu Xeeriyey:-

  1. Waxaa Cabdullaahi Maxamed Jaamac ( Qudhaan Jecel ) loo         magcaabay Wasiirru Dawlaha Madaxtooyada ee Xiriirka                 Goleyaasha, Ahna Af-hayeenka Madaxtooyada.

 

  1. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu               Saxeexo, wuuna saxeexay Madaxweynuhu.

About The Author