Dhagayso: Senator Jurile oo taageeray go’aanka ay dawladda Puntland Khilaafka Khaliijka kula safatay Sacuudiga & Imaaraadka

19 Aug 2017 (Puntlandes) Senator Prof Cabdiraaq Jurile ayaa  taageeray go’aanka ay dawladda Puntland Khilaafka ka taagay Khaliijka kula safatay isbahaysiga Sacuudiga & Imaaraadka ay hogaaminayaan.

27a2

Senator Jurile ayaa  ayaa sheegay in go’aanka dhexdhexaadnimada ee ay qaadatay Dawladda Fadaraalka Soomaaiya uu ahaa mid aan laga fiirsan, isagoo sheegay in dastuurka Soomaaliya qorayo in arimahaas iyo kuwo kale ee samaynta kuleh dalka iyo dadka ay tahay in lagala tashado dawladaha xubnaha ka ah Federaalka.

Senator Juriile ayaa kusii daray in dhexdhexaadnimaduna DFS ay tahay  taageero Qatar ah  isagoo muujiyey walaac Ku saabsan saamaynta ay Soomaaliya uu ku yeelan karo khilaafka khaliijka.

Dhagayso Senator Jurile


Puntlandes.com

About The Author