Daawo Video-Sawirro: Ardayda Dusiga Hoose Dhexe Cirro ee Bursaalax oo doortay Gudoomiyiha Ardayda Galinka Dambe ee Dugsiga Sanad Dugsiyeedka 2016-2017

31 Aug 2017 (Puntlandes) Waxay ardayda Dusiga Hoose Dhexe Ee  Cirro Bursaalax oo ah Iskuulki Ugu  horeeyey ee  Deegaanka Bursaalax doorteen Gudoomiyihii Ardayda Galinka Dambe ee Dugsiga Sanad Dugsiyeedka 2016-2017.

Munaasabad si heer sare ah loosoo abaabulay ayaa ka dhacday xaafiska Maamulaha Dugsiga Ciro Cabdiwaxid Shikh Khalif Wayrax, halkaas oo ay iskugu yimaadeen Marti sharaf kala duwan iyo Baarlamaanka Dugsiga Hoose Dhexe Ee  Cirro.

Gudoomiyaha Gelinka Dambe oo ay  dhigtaan Fasalo iskugu jira 6aad ,5aad ,4aad ,Waxbarashada Dadka Waaweyn iyo NRC ayaa waxaa u tartamayey Musharixin kala duwan, iyadoo ay wareegii Ugu  dambeeyey iskuso hareen Ardayda kala ah:

  1. Maxamed Cabdiqadir Xasan ( Ilkacase)
  2. Maxamed Muuse

Waxaana ugu  dambayntii ku guulaystay tartankii Ardayga Magaciisu Yahay  Maxamed Cabdiqadir Xasan ( Ilkacase) oo ah arday Dadaal badan, waxaana ugu  horayn u hambalyeeyey Murashixii 2aad, Maamulaha Iskuulka Iyo Macalimiinta waxayna  u mahadceliyaan Nidaamka Maamul dhisidda ee ay aadka u fahansan yihiin guud ahaan ardayda Dugsiga Cirro Bursaalax.

Daawo muuqaalka khudbadii musharax Maxamed Cabdiqadir Xasan oo jeediyey khudbad aad iyo aad u qiimo badan oo ku codsaday in lala shaqeeyo Musharax kasta oo  ku guulaysta xilkaas.

Daawo sawirrada
1

2

3

4

5

6
Puntlandes.com

About The Author