Akhriso Maamulka Koofur Galbeed oo taageeray Isbaheysiga Sacuudiga & Imaaraadka

18 Sept 2017 (Puntlandes) Maamulka Koofur Galbeed ayaa taageeray isbaheysiga uu hoggaamiyo Sacuudi Carabiya iyo Imaaraadka Carabta, iyagoo sheegay in go’aankii dowladda Federaalka ka qaadatay xiisada khaliijka in aan laga tixgelin, isla markaana lagala tashan.

29d2

Warsaxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ku qornaa afka English ayaa lagu sheegay in Maamulka Koofur Galbeed uu garab taagan yahay isbaheysiga Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta.

War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Imaaraadka iyo Sacuudiga uu ka dhaxeeyo Soomaaliya xiriir iskaashi oo taariikh leh, sidoo kale waxaa lagu sheegay war saxaafadeedka in Imaaraadka uu Soomaaliya ka taageerayo dhinacyada bani’aadanimada, caafimaadka iyo gargaarka deg dega, dadka ku nool dhamaan gobolada dalka oo dhan.

War saxaafadeedka ayaa waxaa lagu yiri “Go’aanka dowladda Federaalka ka qaadatay xiisada Khaliijka bishii June 2017 wuxuu ahaa mid aan laga tixgelin lagana tashan dhamaan dowlad goboleedyada Soomaaliya iyo shacabkooda ee ay saameynta ku yeelaneyso”

Dhanka kale War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in shirkii Hoggaamiyeyaasha qaran ee bishii July ay ku caddeeyeen mowqifkooda, isla markaana aan dhex dhexaad laga noqon karin xiisada khaliijka, waxaa war saxaafadeedka lagu yiri in dowladda Federaalka ka codsadeen inay dib u eegis ku sameyso go’aanka ay ka qaadatay khilaafka Khaliijka.

War saxaafadeedkan ka soo baxay maamulka Koofur Galbeed ayaa ku soo beegmaya, iyadoo Madaxweyne Shariif Xasan uu ku sugan yahay magaalada Dubai ee dalka isu tagga Imaaraadka Carabta

Akhriso War saxaafadeedka

29d 29d1

Puntlandes.com

About The Author