SBC oo Wareysatay Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali.

22007592_1592308340829259_6795293559312620845_n

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa wareysiga Uu Siiyay Barnaamijka Kulanka SBC Kaga Hadlay Arimo Xasaasi ah oo Ka Taagan xiligan Puntland iyo Soomaaliyaba.

Gaar ahaana Arinta Dhismaha iyo La wareegitaanka Dekedda Boosaso ee Dowladda Imaaraadka Carabta, Nidaamka Asxaabta Badan ee Puntland, Kaluumeysiga Sharci darada ah, Sare U kaca Sarifka & Diidmada Lacagta Shilinka Soomaaliga,

Wuxuu Sidoo Kale uu Ka hadlay Taageeradii uu Taageeray Xulufada sucuudiga ee Muranka Badan dhalisay, jahwareerka siyaasadeed ee Ka taagan Galmudug iyo Dhiibistii Saargaalkii ONLF ee Cabdikariin Sh. Muuse qalbi Dhagax.

Weerarada All-Shabaab

Ugu Horeyn ayuu Madaxweynuhu ka warbixiyay Xaaladda Guud ee Nabadgalyada Puntland iyo Weeraro is xig xigay oo dagaalyahanada Al-Shabaab ka Geysteen Saldhiga ciidan ee Deegaanka Af-uru oo Qiyaastii 70-KM u jirta Magaaladda Boosaso ee xarunta Gobolka, Bari

Heshiiskii Dekedda Boosaso

Madaxweyne Gaas oon Wax ka weydiinay Heshiiskii ay dowladdu la gashay Shirkadda DP World ee Dalka imaaraadka Carabta, ayaa sheegay in Dowladiisu ay da’daal ku bixisay sida loo hirgalin lahaa Mashruucaasi, wuxuuna Si Adag ugu jawaabay Dad uu ku tilmaamay iney Hormarka diidanyihiin Kuwaas oo mudooyinkii u danbeeyay Dhaliilo u soo Jeedinayay Xukuumada, Qaarkoodna aysan aheynba kuwii Ay arintaani saameynaysay, Wuxuuna xusay in si toos ah ay shaqada shirkadu u bilaabanayso 1-da Bisha Soo socota ee October.

Madaxweynihii Shanaad ee Puntland, Cabdiwali Maxamed Cali / SBC

Taageeradii Sucuudiga

Madaxweyne Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa sidoo Kale ka hadlay Arinta muranka Badan dhalisay ee Khaliifka wadamada Khaliifka oo si weyn ugu dhex milantay Siyaasadda Soomaaliya, ayaa sheegay in dowlad goboleedyadu ay xaq u leeyihiin iney taageeraan, sida uu qabo Qodobka 53 ee Dastuurka KMG Ah ee Soomaaliya, Wuxuuna sheegay iney dowladda somaliyed u muuqato iney taageerayso dowladda Qatar,

Muranka Galmudug 

Madaxweyne Cabdiwali oo Ka hadlayay Qalaalasaha siyaasadeed ee ka dhacay Hir-shabelle iyo kan hadda ka taagan galmudug ayuu sheegay in dowladda soomaaliyeed looga baahanyahay iney dadka isku soo dhaweyso,

Mar la weydiiyay Su’aal Aheyd Siduu U Arko warqad si wadajir ah ay shalay u soo saareen Dowlad Goboleedyada oo lagu dhaliilayay DFS Ayuu sheegay in Dowladda dhexe looga baahanyahay masuuliyad dheeri ah iyo Taxadar, Ayna ka muuqato Tafaraaruq badan oo dhexdeeda ah, Iyadoona Hadalkaasi uu u muuqataa iney Puntland qeyb ka tahay Warqadii shalaya soo Baxday.

Dhiibistii Qalbi-Dhagax.

Ugu danbeyn ayuu madaxweynaha Puntland ka hadlay Arintii Sargaalka ONLF ee loo dhiibay dowladda Itoobiya ee Cabdikariin Sh. Muuse Qalbi Dhagax, kaas oo wasiir ka Tirsana Puntland oo Taageeray Talabadii loogu dhibiibay Dowladda itoobiya sargaalkaasi uu xilkiisa ku waayay, wuxuuna madaxweyne Cabdiwali sheegay in Mowqifka dowladda uu qof gooni ah Jeebka ku qaadan karin,

Kala Soco Wareysiga oo Dhameystiran Warbaahinta SBC Caawa 08:15 PM, Ama Halkan Kala soco insha Allah.

DAAWO HORDHACA WAREYSIGA :

Xigasho SBC

About The Author