Sawirro: Ra’iisul Wasaare Kheyre oo xarigga ka jaray xarunta Tababarka Ciidanka Xoogga Dalka ee Muqdisho

30 Sept 2017 (Puntlandes) Ra’iisul DFS Xasan Cali Kheyre ayaa xarigga ka jaray Saldhig Milateri oo Turkiga ka dhistay magaalada Muqdisho, kaasoo lagu tababari doono Ciidamada Soomaaliya.

Munaasabadda Furitaanka Saldhiggan oo goor dhow soo gaba gabowday ayaa waxaa ka qeyb galay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, wakiilo ka socday Beesha Caalamka, saraakiil ka kala socday Turkiga iyo Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo uu wehliyay Taliyaha Ciidamada Turkiga, Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya iyo Safiirka Turkiga u qaabilsan Soomaaliya ayaa si wadajir ah xarigga uga jaray sladhiggan.

Saraakiisha Turkiga ayaa soo bandhigay qorshayaasha Saldhiggan iyo howlaha uu qaban doono, iyadoo lagu wado in dhowaan lagu arkayo in ka badna 1,000 askari oo lagu tababari doono xerada.

Waa saldhigii u horeeyay ee Turkiga ka dhisto Afrika, waxaana saldhiggan loo dhisay qaab casir ah, waxaana ku sugan cutubyo ka tirsan Ciidamada Milateriga Turkiga oo wata gaadiidkooda gaashaaman. Saldhigan ayaa markiiba lagu tababari doonaa 1500 Askri.
31b5

31b5a

31b5b

31b5c

31b5e

31bbf

31b5f
Puntlandes.com

About The Author