Sawirro: Madaxweynahayaasha Galmudug & Hirshabeelle oo si weyn loogu soo dhoweeyay magaalada Kismaayo

08 Okt 2017 (Puntlandes) Madaxweynayaasha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo wafdiyo ay hogaaminayaan ayaa si weyn loogu soo dhoweeyay magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Jubbaland.

Xaaf iyo Waare oo si kala gooni ah diyaarad ugu yimid Kismaayo ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Kismaayo ku soo dhoweeyay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, Madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan, Xildhibaano, Senatoro ka tirsan Baarlamaanka Federaalka iyo dadweyne kale.

Wafdiga Madaxweyne Waare ayaa saaka diyaarad ka qaaday Muqdisho, halka Xaafna uu ka yimid Cadaado.

Madaxweynaha Jubbaland, Madaxweynaha Koofur Galbeed, Mas’uuliyiin ka tirsan Jubbaland xubno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka iyo dadweyne ayaa ku soo dhoweeyay garoonka.

Soo dhoweynta Madaxweyne Xaaf ee Kismaayo ayaa waxay direysaa fariin garab-istaag oo Maamul goboleedyada ugu muujinayaan sharcinimada xilkiisa, kaddib markii Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Galmudug ay sheegeen inay xilka ka qaadeen.

Dhanka kale Madaxweynaha dawladda Puntland Dr Cabdiwelii Maxamed Cali Gaas ayaa la filayaa inuu isna goor dhow ka soo dego magaalada Kismaayo, isagoo kasoo kicitimay magaalada Bosaso.

Shirka Madaxda Maamul goboleedyada ayaa lagu wadaa inuu ka furmo magaalada Kismaayo maanta oo ay taariikhdu tahay 8da okt 2017.

1

2

3

4

5

6

7

8

10

11

12

aa a
Puntlandes.com

About The Author