Sawirro: Madaxweynaha Puntland oo Kismaayo lagu soo dhaweeyey

08 Okt 2017 (Puntlandes) Madaxweynaha dawladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafdi balaaran oo uu hoggaaminayo ayaa galabta gaaray magaalada Kismaayo, isagoo halkaas uga qayb geli doona shirka Dawalad Goboleedyada dalka oo maanta halkaas ka furmaya.

Wafdiga Madaxweynaha Puntland ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhoweeyay Madaxweynaha Jubbaland, kuxigeenadiisa, wasiiro, saraakiil iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Madaxweyne Gaas ayaa waxaa loo galbiyay guriga martida Kismaayo ee ku yaala nawaaxiga Xeebta, halkaasoo la dejiyay Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada.

Goor sii horeysay ayaa waxaa Kismaayo gaaray Madaxweynayaasha Galmudug iyo Hirshabeelle, kuwaasoo si kala gaar gaar ah loo soo dhoweeyay halka horay uu u sii joogay Kismaya madaxweynaha KGS.

Madaxda Dawalad goboleedyada ayaa shirkooda waxaa looga hadli doonaa khilaafka u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada ee ka dhashay Xiisada Khaliijka.

Ammaanka magaalada Kismaayo ayaa si aad ah loo adkeeyay, waxaa la xiray waddooyin dhowr ah, iyadoo maanta istaageen dhaq dhaqaaqii gaadiidka iyo ganacsiga qeybo ka mid ah magaalada.

Daawo sawirrada

15
3

4

5

6

26
Puntlandes.com

About The Author