Dagaal aad u xoogan oo ka socda duleedka Balcad

16 Okt 2017 (Puntlandes) Dagaal xoogan oo la isu adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan ayaa goor dhow ka bilowday deegaan u dhexeeya degmada Balcad iyo Afgo0ye.

30a3

Dagaalkan ayaa bilowday kadib markii ay Alshabaab oo maalmahan isku fidinayey deeganada gobolada Shabeelaha Hoose iyo Dhexe ay fariisimo ka sameysteen deegaan ka xiga dhinaca galbeed ee degmada Balcad. Rasaastala isu adeegsanayo dagaalkan ayaa laga maqlayaa magaalada Balcad iyo deegaanada u dhow dhow.

Dagaalyahano ka tirsan Alshabaab ayaa dhowaan weeraray bar kontarool oo ciidamada dowlada ku lahaayeen deegaanka Basra iyadoo lagu diley shan ka tirsan ciidamadii ku sugnaa bartaas koontarool.

Alshabaab ayaa maalmihii la soo dhaafay si buuxda u maamulayay deegaano u dhaxeeya Balcad iyo Afgooye, waxaana dadka deegaanka ay sheegeen in baabuurta u kala gooshta labada dhinac ay baaritaan0 ku sameynayaan.

Alshabaab ayaa la sheegay inay qarka u saara atahay inay la wareegto magaalooyinka Balcad iyo Afgooye, kadib markii ay Ciidamada dawladu isga baxeen goobo badan oo fariisin u ahayd.

Dagaalkan ayaa ah kii ugu horeeyay ee dhex mara ciidamada dowlada iyo Alshabaab kadib qaraxii geystey qasaaraha oo ka dhacay magaalada Muqdisho.

 Puntlandes.com

About The Author