Dhaawacyadii Dowladda Qatar ay u qaaday dalka Suudaan oo ay daryeel la’aan soo wajahday

18 Okt 2017 (Puntlandes) Wararka ka imaanaya magaalada Khartoum ee Caasimadda Suudaan ayaa sheegaya in daryeel la’aan caafimaad ay la soo deristay dhaawacyadii shalay ay la geeyay dawladda Qadar halkaas.

dhaawacyada

Diyaarad milateri oo laga leeyahay dalka Qatar ayaa shalay illaa 29 dhaawac ah geysay magaalada Khartoum, si halkaas loogu daweeyo.

Hase ahaatee Ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barta dalka Suudaan ayaa qeyla dhaan ka keenay qaabka loola macaamilay dhaawacaas iyo Isbitaalada la geeyay oo ay sheegeen inuu yahay kuwo ka liito Isbitaalada Muqdisho, isla markaana aan la geyn isbitaalada waa weyn ee caan ka ah dalka Suudaan.

Isbitaalka oo lagu magacaabo Mutamayiz Hosbital oo badanaa ay ku tababartaan dhalinyarada caafimaadka barata ee Suudaan iyo kuwa ajaanibta ee Jaamacadaha dalkaas dhigta ayaa la dhigay dhaawacii Soomaaliyeed ee ku dhaawacmay weerarkii Qaraxa loo adeegsaday ee ka dhaxay isgayska Zoobe ee Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in Isbitaalada waa weyn ee Khartoum aan la geynin dhaawacyada, iyadoo qaar ka mid ah dhaawacyada ay ka muuqdaan diif xumo iyo in xitaa faashamadii dhiigga ee Muqdisho looga xiray laga bedelin.

Sidoo kale ehelada la socda dhaawacyada ayaa meel cidlo ah jiifa, isla markaana ay la amakaageen Isbitaalka la geeyay bukaankooda, maadaama adeeggiisa caafimaad uu aad u liito.

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Suudaan ayaa la sheegay inay xiriir la sameysay Xukuumadda Soomaaliya, kana dalbatay in la hakiyo dhaawacyada laga soo qaadayo Muqdisho, maadaama kuwii shalay la keenay aanay helin wax daryeel ah.

Sidoo kale Safaaradda qudheeda ayaa waxaa lagu dhaliilay inay ka gaabisay kaalinteeda, waxaana dhaawacyada loo qaaday Suudaan ay noqdeen kuwo aanay cidna u maqneyn.

Dowladda Qatar ayaa sheegtay inay bixineyso lacagaha lagu daweynayo dhaawacyada, iyadoo ka cudur daaratay in dalkeeda aanu la tacaalin karin dhaawacyadaas.

Puntlandes.com

About The Author