Madaxweyne Farmaajo oo shir isugu yeeray Madaxda dowlad goboleedyada

22 Okt 2017 (Puntlandes) Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa martiqaad u diray Madaxda Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya, si ay uga soo qeyb galaan shir wadatashi ah oo ka dhacaya magaalada Muqdisho 28ka Oktoobar 2017.

3-8

War saxaafadeed laga soo saaray Madaxtooyada ayaa lagu sheegay in shirkaas looga arrinsan doonaa hawlo muhiim ah oo horyaalla qaranka, ayna ugu horreyso sidii musiibadii Qaran ee ka dhacday magaalada Muqdisho 14kii bisha Oktoobar 2017 loogu beddali lahaa midnimo Qaran.

Qodobada kale ee diirada lagu saari doono shirkaan waxaa kamid ah sidii loo xoojin ahaa wadashaqeynta Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah oo muddooyinkii u dambeeyay sii xumaanayay.

Sidoo kale, waxaa shirkaas looga wada hadli doona arrimo muhiim u ah hanaanka dowladnimada Soomaaliya oo ku jirta marxalad soo kabasho ah.

Qodobadaan ayaa ah kuwa fulintooda iyo hirgalintoodu ay u baahan tahay wadajir iyo wadashaqeyn, waxaana ka mid ah dardargelinta nabadeynta dalka, horumarinta hannaanka federaalaynta, dib u eegista dastuurka, habka qeybsiga kheyraadka dalka iyo geeddi socodka doorashada 2020.

Shirka Wadatashiga ee uu isugu yeeray Madaxweyne Farmaajo Madaxda dowlad goboleedyada ayaa ku soo aadaya, iyadoo dhowaan shir ay ku yeesheen Kismaayo ku aas aasay Gole la magac baxay Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada, iyagoo soo saaray war murtiyeedyo ay ku eedeynayaan Maamul goboleedyada in Xukuumadda faragelin ku heyso, kuna howlan tahay sidii Madaxweynayaasha qaar ee maamul goboleedyada loo bedeli lahaa.

Puntlandes.com

About The Author