Sawirro: Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo la kulmay dhiggiisa Turkiga

26 Okt 2017 (Puntlandes) Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo booqasho ku jooga dalka Turkiga ayaa maanta la kulmay Ra’iisul Wasaaraha Turkiga Binali Yildrim.

Kulankan ayaa ka dhacay Qasriga Ra’iisul Wasaaraha Turkiga ee magaalada Ankara, waxaana halkaas hab maamuus soo dhoweyn heerkeedu sareysay loogu sameeyay Ra’iisul Wasaare Kheyre.

Labada Ra’iisul Wasaare ayaa ka wada hadlay xiriirka labada dal, amniga, dhaqaalaha, caafimaadka iyo la dagaalanka Argagixisda.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa sheegay in Turkiga mar walba taageero shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, isla markaana aanay marnaba ilaabi doono abaalka walaalaha Turkiga.

Sidoo kale waxaa uu Ra’iisul Wasaaraha uga mahad celiyay gurmadkii ay u soo direen Soomaaliya, kaddib qaraxii Zoobe, waxaana uu xusay in Turkiga uu yahay saaxib iyo walaal mar walba garab taagan shacabka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa lagu wadaa inuu la kulmo Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan, sidoo kale waxaa uu booqan doonaa dhaawacyada laga keenay Muqdisho ee ku waxyeeloobay qaraxii 14-kii bishan.

Sawirro
IMG_20171026_144427

IMG_20171026_144400

IMG_20171026_144430

IMG_20171026_144354

IMG_20171026_144421

IMG_20171026_144424
Puntlandes.com

About The Author