Dhagayso: Dawladda Puntland oo beenisay inay dekadda Bosaso xiran tahay

30 Okt 2017 (Puntlnades) Xubno katirsan Golaha xukuumadda Puntland iyo maamulka Gobalka Bari oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inaan jirin wax khidmad ah oo lagu kordhiyey doonyaha iyo maraakiibta Ganacsi ee ku soo xirta Dekedda magaalada Bosaso.

7

Masuuliyiintan ayaa sidoo kale qiray inaan Dekeddu xirnayn una shaqeynayso sidii horay looga bartay , waxaana ay ka codsadeen ganacsatada inay bilaabaan dejinta adeegyada Ganacsi ee u saaran doonyaha iyo maraakiibta banaanka Dekedda ka jooga .

” Cid xirtay Dekedda majirto , yaan laydii sheegin beenta ah P&O baa xirtay ,Dawladda xirtay , ganacsatadaa xirtay anaga idiin sheegayna ” Ayuu yiri Siciid Maxamed Raage oo ah Wasiirka DekedahaPuntland

“Waxaan shacabka iyo ganacsatadu u sheegayna in dekeddu sideedi u shaqeynayso , wax lagu kordhiyeyna majirto ,waxaan doonayna waxyaabaha laysla dhexmarayo in meesha laga saaro ” Ayuu yiri Wasiirka maaliyadda Puntland

Dhagayso Wasiirka DekedahaPuntland


Puntlandes.com

About The Author