Falanqaynta Todobaadka Iyo Puntland (Qaybta labaad)

Khamiis 20 ka nov 2014 ayey ahayd markii ay Madaxtooyada Garowe shirkoodii Khamiislaha ahaa ku yeesheen Golaha wasiirada dawlada Puntland, habayaraatee laguma soo qaadin sidii wax looga qaban lahaa baahiyaha kala duwan ee ay la daaraa dhacayaan Shacabka Puntland.

Nasiib daro shirka waxa lagu soo qaaday sheekooyin cusub oo looga danlahaa ”na maqla waan shiraye” Hadaba bal nala arka qodobada shirka lagu soo qaaday oo ay liqi la yihiin inta badan shacabka Puntland!.

1-Xaalada nabadgalyada dalka: Golaha wasiirada dawladda Puntland ayaa Shirkoodii Maanta uga hadlay xaalada Amniga Guud ee Dalka iyo dar-dar Gelinta Dhamaan laamaha Amniga

2-Khilaafka Dawladda Federaalka Somaaliya: Sidoo kale Golaha Xukuumu waxay Maanta si Qoto Dheer uga hadleen khilaafka ku yimid dawladnimadii soomaaliya iyo maanta Meesha ay Marayso Xaalada waxayna u xilsaareen Gudi Gaar ah oo Heer wasiiro ah.

3-Barnaamijka Dimoqraadiyada Puntland: Golaha Wasiirada Dawladda Puntland ayaa Shirkooda Maantak u falanqeeyey Barnaamijka Hirgelinta Doorashooyinka Puntland iyo Nidaamka Axsaabta badan oo ka mid ahaa balan-Qaadkii Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr C/Wali Maxamed Cali Gaas isla markaana uu Balan Qaaday inuu Sanadka Koowaad ku Bilaabayo.

Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa u cadeeyey Golaha Xukuumadda inla Dhamaystirayo Xeerarka iyo Shuruucda Doorashooyinka sanadkaan 2014ka si loogu Gudbo Gudiyadii Shaqadaa qaban lahaa.

Sidoo kale Wasaaradda Dastuurka, Arimaha Federaalka iyo Dimuqiraadiyeyta ayaa waxay Golaha u soo Bandhigtay Xeerka Guddiga Doorashooyinka Xeerkaas oo lagu Sameeyey dib u eegid isla Markaana lagu kala Qeexay awoodaha Wasaaradda iyo Guddiga, waxaana dib Golaha Xukuumada loogu soo Celinayaa Todobaadka dambe si loo Meel Mariyo.

4-Mudaynta Doorashada Rugta Ganacsiga

2-Beelaha la haybsooco: Golaha Wasiirada Dawladda Puntland ayaa sidoo kale waxay War-bixin ka Dhagaysteen Guddiga wax u Qabadka Beelaha la Hayb’sooco Gudigaas oo uu Gudoomiye u yahay madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa waxay ka BixiyeenBeelaha Dulman Xoolo Nool oo dhan 67 neef oo Geel ah oo lagu yeeshay.

Isla markaana Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr C/Wali Maxamed Cali Gaas ayaa ku Dhawaaqay Shirweyne looga Hadlayo loogana Doodayo Xaaladda Beelaha Dulmiga Soojireenka ah Qaba iyo Sidii ay Ummadda Puntland ay ula Wadaagi lahaayeen Dhamaan Hanaanka Dawladnimo ee Puntland.

 

 

Akhristoow bal eeg weerahan ku haboon jawaabta warsaxaafadeedka.

1-Xaalada nabadgalyada dalka

Xukuumada Gaas wax la taaban karo kama ay qaban Amniga dalka tusaale ahaan Todobaadkan gudihiisa waxaa Magaalada Gaalkacyo lagu dilay Allaha u naxariistee Wariye Cabdirisaaq Silver ilaa hadana cid loo soo qabtay ma jirto. Maxay tahay Amnigay sheegayso Xukuumadu?  Magaalada Gaalkacyo waxaa ka dhacy qaraxyo lagu Qarxinayo baalayaashii Cadceeda ku shaqaynayey ee ay Xukuumada Gaas isku amaanaysay!! Ma la soo qabatay kuwa wax Qarxináya …? Halkan Hoose ka ee sawirada: ”Ninkii tiisa daryeelaa tu kale ku dara”

938 939

2-Khilaafka Dawladda Federaalka Somaaliya

Xukuumada Dr Gaas ilaa iyo shalay oo ay yiraahdeen waan ka hadalnay uma aysan soo Gudbin Shacabka reer Puntland Mowqifka ay ka taagan tahay Khilaafka madaxda DFS. Waxayna sheegeen Shalay in ay sidii caada u ahayd Gudi wasiiro ah u saareen! Cajiib. Akhriste ma Qusayso miyaa Puntland waxa Xamar ka socdaa mise sida Kooxda madaxweynaha DFS qabaan waa Gobol aan ka hadli karin heer Federaal? Akhriste Xukuumada Gaas ma inay taageerto garabka bur burinaya wixii ummadda Soomaaliyeed ku heshiisay baa? Aamusnaantu akhriste waa hadal ee ogow waana taageero.

( Maanta oo ah 21 ka nov 2014 Jimce ayey ahayd markii Xukuumada Gaas soo saartay warsaxaafadeed ah ”Qowda maqashii oo waxna ha u qaban” kaasoo haba yaraatee aysan ku soo bandhigin waxa ay samaynayso haddii xilka sifo Sharcidaro ah looga xayuubibiyo Raysul Wasaare Cabdiwali hoos ka eeg)

936

937

3-Barnaamijka Dimoqraadiyada Puntland:

Cajiib war saxaafadeedka Xukuumada Gaas ee ku saabsanaa shirkooda Khamiislaha ahaa waxaa lagu soo bandhigay in Barnaajimijka Dimoqraadiyada Puntland  ”uu ka mid ahaa balan-Qaadkii Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr C/Wali Maxamed Cali Gaas isla markaana uu Balan Qaaday inuu Sanadka Koowaad ku Bilaabayo” sanadkii Koowaad waa gabagabo ”Fanoolena Fari kama Qodna” wax ay ilaa iyo hada bilaabeena ma jirto waxaana u qorshaysan in aysan samayn in ay projects wax uga cunaan Deeq Bixiyaasha maahee.

4-Mudaynta Doorashada Rugta Ganacsiga

Ma garan karo siday wax ka noqotay Xukuumada Dr Gaas ee wax ay mudeeyeen Doorasho Rugta Ganacsiga ma jirto. Waxaa fiicnaan lahayd in ay Shacabka u cadeeyaan waxay ula jeedaan?

2-Beelaha la haybsooco

Golahu waxay ku sheegeen Shirkooda in Guddiga wax u Qabadka Beelaha la Hayb’sooco oo uu Gudoomiye u yahay madaxweynaha Dawladda Puntland ay ka bixiyeen Beelaha Dulman Xoolo Nool oo dhan 67 neef oo Geel ah oo lagu yeeshay. Sidee bay uga bixiyeen? Yaa ku lahaa Geela? Haddii uu madaxweynuhu wax kala Furdaamiyey ma in Warsaxaafadeedka Golaha wasiirada lagu soo qaadaa? Soow ma aysan oga in ay Arkiv galayso warkani? Cajiib 67 neef oo Geel Nool ah ayaa laga baxshay!!!!

Shirka uu madaxweynuhu ku baaqay waxaan u daynayaa Barnaamij NGO nimo ah oo wax lagu doonayo maxaa yeelay Xukuumadani, Isbedeldoonka, waa NGO wax badsiiyo ka qaad maahee aan shaqo u soo jeedin.

FG Anoo tixraacaya Warsaxaafadeedkii shalay; Waxaa fiicnaan lahayd in ay ogtahay Xukuumada Dr Gaas in War saxaafadeedkooda uu Arkiv galayo uuna yahay Taariikh berina dib loo eegidoono iyagana uu ku soo noqondoono. Marka waxaan usoo jeedin lahaa in Af-Saomaaliga iska saxaan maxaa yeelay waa Waraqad dawlad ka soo baxday waana ceeb in ”Official documents” uu qalad ka buuxo.

941

942

34

Mahadsanidin

Mr Mahdi Yuusf Dhuux

Daabcaada: Puntlandes.com

 

 

 

About The Author