Daawo Video: Su’aalihii Xildhibaanadu waydiiyeen Wasiirka Maaliyada iyo jawaabaha uu bixiyey

943

Maanta ayaa Baarlamanka waxa horyimid Wasiirka Maaliyada Puntland iyo Wasiirka Beeraha iyo Waraabka.

Wasiirka Maaliyada Shire Xaaji Faarax ayaa warbixin ka hadlaysa waxqabadkiisa kasoo jediyay baarlamanka Puntland wuxuuna carabka ku dhufatay in ay aad kor ugu qaadeen soo xaraynta dakhliga dowlada. Wuxuuna Wasiirka ka cawday in ay maalmaha badanaa soo Dakhliga u soo Xaroodaa dawlada Puntland uu le’eg yahay 9000 dolar kaliya.

Baarlamanka oo dhagta u dhigayay warbixinta u wasiirku soo jediyay ayaa wax ka waydiyay mushaharadka ciidanka iyo shaqalaha dowlada sababata loo siin wayay halka la geeyo canshuuraha bada iyo bariga.

Wasiirka Maaliyada Puntland Shire Xaji Farx ayaa ka jawabay qaarka mid ah su,alaha uga imanayay golaha shacabka balse su,alaha uu ka gabsaday wasiirka ayaa waxa ka mid ahaa dabar go,a ku yimid shilin soomaliga iyo mushaharadka ciidanka iyo shaqaalaha qaarkood waxa aan loo siin.

Xildhibaan Aadan Yarre oo ka mid ah Mudanayaasha muddo ka badan 10 sano Baarlamanka kusoo jiray ayaa ku dhaliilay Wasiirka Maaliyadda inuu ku fashilmay masuuliyadii loo igmaday mudadii sanadka ahayd ee uu joogay xafiiska, waxaana uu waydiiyey inay maskaxdiisa ku jirto Shire Xaaji ku wareejinta wasaarada cid kale oo ka shaqeysiisa kana soo baxda waajibaadkeeda iyo in kale.

Qoraal kale oo ka hadlaya Jawaabaha uu maanta bixiyey wasiirka Maaliyada Puntland ka akhri  Xukuumada Dr Gaas waxqabad la’aantii ma dayray ku dartay?

Daawo Videoga


Puntlandes.com

About The Author