Daawo sawirrada Xulkii Puntland oo Muqdisho u duulay

04 Dec 2017 (Puntlandes) Xulkii Kubadda Cagta ee Puntland ayaa maanta Muqdisho u duulay, halkaas oo uu ka furmi doono tartanka dawlad Goboleedyada iyo Gobolka Banadir ee kubadda cagta.

Xulka Kubbada Cagta Puntland ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Garowe ku sii sagootiyay masuuliyiin ka tirsan Wasaarada Cayaaraha Puntland, maamulka Gobolka Nugaal iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Puntland.

Tartanka Kubbadda Cagta ee Dowlad goboleedyada ayaa qorshuhu ahaa in lagu qabto magaalada Kismaayo ee xarunta Jubbaland, balse waxaa dhawaan la shaaciyay in Muqdisho loo wareejiyay, kadib markii kulan ay Kismaayo ku yeesheen Wasiirada Ciyaaraha Dowlad goboleedyada ay isku raaceen in tartankaan lagu qabto Muqdisho.

Xulka Puntland ayaa sanadkii hore qaaday koobka.
28e

29

29a
Puntlandes.com

About The Author