Madaxweynaha Soomaaliya Oo Shir Kaga Qaybgelaya Wadanka Masar.

07 Dec 2017 (Puntlandes) Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Madaxweynaha JF Soomaaliya ayaa todobaadkan safarkii labaad ku tagaya dalka Masar, kaddib markii uu bishii August ee sanadkan uu booqasho rasmi ah ku tagay magaalada Qaahira.

 34e9a

Madaxweyne Farmaajo ayaa u safraya magaalada Sharm El-Sheikh, halkaasoo uu uga qeyb galayo Shirka Ganacsiga Afrika, oo ay ka qeyb galayaan Illaa shan Madaxweyne Afrikaan ah iyo marti sharaf kale.

Shirka Africa 2017 Forum ayaa ka dhici doona magaalada Sharma El-Sheikh 7 illaa 9 December, waxaa looga hadli doonaa arrimo badan oo ku saabsan Ganacsiga iyo horumarka ka jira Qaaradda Afrika.

Puntlandes.com

About The Author