Barlamanka dowladda Puntland oo ansixiyey miisaaniyada 2018

07 Dec 2017 (Puntlandes) Baarlamaanka dawladda Punland ayaa maanta Ansixiyay Miisaaniyad sanadkeedka 2018 oo ay dhawaan Baarlamaanka usoo gudbisay wasaaradda maaliyadda dawladda Puntland.

Waxaa meel mariyey 47 xildhibaan oo barlamaanka katirsan kuwaas oo cod gacan taag ah ku meel mariyay miisaaniyada halka 3 xildhibaan oo barlamaanka katirsan ay  ka aamuseen.

Gudigga dhaqalaha Baarlamaanka ayaa warbxin dheer golaha kahor akhriyay waxayna namiisaaniyadda kaga talo bixiyeen barlamaanka hortiisa.

Miisaaniyada Puntland ee 2018 ayaa ah aduun lacageed oo dhan $92,713,364 sanadkii  oo isku dheeli tiran dakhli iyo kharash.

Wasiir maaliyadda Puntland Cabdullaahu Carshe ayaa dhowaan sheegay sheegay inaysan miisaniyadan ku jirin lacago ka muuqday miisaaniyadii 2017 taas oo laga filaayey hay’addo caalami ah hase ahaate aan laga helin.

IMG_2046

Puntlandes.com

About The Author